HomeAxkaamta Soonka (Faa’idooyinka timirta ) – Qaybta 5aad

Axkaamta Soonka (Faa’idooyinka timirta [2]) – Qaybta 5aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhKa hor-tagidda cudurro badan:Waxa hubaal ah in timirtu ka hortagto cudurro badan qaar kalena daweyso. Tusaale ahaa, timirtu waxay baabiisaa dhagaxaanka kalyaha geli raba; waxay ka hortagtaa madax wareerka; waxay ay hortag weyn u tahay kansarka; waxay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushaa sidii ay meesha uga saari lahayd xaasaasiyadda; waxay horumar baaxad weyn ka muujisaa isku buuqa ku dhaca gaalada yadoo u horseeda daganaan ku meel gaadh ah; waayo Iimaankii weynaa ayaaba ka maqan marka horeba.

Cunnida timirtu waxay faa’ido togan oo taam ah u leedahay odayaasha. Waxay si deg-deg ah u daajisaa muruqyadooda, yadoo sahasha in si fudud muruqyadoodu u kala baxaan; isuguna soo ururaan. ( Muscle relaxation and contraction). Firfircooni xad-dhaaf ah ayuu dareemaa gadh-caska guri jooga ah; talo laga sugeenka ah.

Faa’idada koritaanka caruurta ay u leedahay timirtu: Koritaan deg-deg ah ayay bilaabaan caruurta cunta timirta. Faytamiin A da ku jirtaa wuxuu dardar galiyaa aragga caruurta. Waxa ay timirtu muhiim u tahay sidoo kale hooyada kolka ay leedahay uurka. Timirtu muddadan waxay hoos u dhigtaa werwerka, walaaca iyo walbahaarka soo waajaha hooyada. Kolkay umusho laftigeeda kama maaranto hooyadu.

Afurinta qof sooman ajar ma leedahay?

Inaad afuriso qof sooman oo aad cabbitaan iyo cunto siiso waxa ku jira abaal marin aad iyo aad u weyn, waana arrin Rasuulku CSW dadka ku booriyey kuna dhiiri galiyey.

Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkuu afuriyey.” Culimadu way ka hadleen oo waxay yidhaadhdeen ajarka qofka sooman ee la afuriyey laga qaadi maaye ajar kaas oo kale ayaa la siinaya kan wax afuriyey. Sidaa darteed waa mihim in haddii awood loo leeyahay lagu dedaalo in la afuriyo dadka aan waxba haysan, qofka la afuriyeyna farxad ayey u tahay ka wax afuriyeyna ajar wayn ayaa ugu sugan.

Ma soomayaan haweenayda uurka leh iyo midda ilmaha yar jaqsiinaysaa?

Haweenayda uurka leh iyo ta ilmaha jaqsiinaysaa cafimaad ahaan ayaa loo yidhi hayska cunaan, waxa loo danaynayaa ilmaha uurka ku jiraa ama ilmaha ay jaqsiinayso ama iyada qudheeda oo laga ilaalinayo caafimaad ahaan inay is dhinto.

Sida daraadeed ayaa la yidhi yaanay soomin ee hayska cunaan, se waxa u furan laba mid; inay soo qallayso intii ka tagtay ee Ramadaan ah, waana ta ugu wanaagsan ee ay waajibka isaga ridayso, taasanay culimo badani ku tagsan yihiin oo ay leeyihiin waa waajib. Mar kale, culimada qaar waxay yidhaahdaan haddii aanay karayn inay soo qallayso dad bay afurin kartaa ama sadaqo ayey bixinaysaa sida qofkii gabowggu hayey iyo kii xanuunsanayey oo kale, mid se ogow waxa ka xoog badan in la soo qalleeyo.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories