HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybtii 17aad) - Fadliga cibadaada habeenkii (2aad)

Axkaamta Ramadaanta (Qaybtii 17aad) – Fadliga cibadaada habeenkii (2aad)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhInta badan waxa aynu u hiranna hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban laabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

Sidoo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha,Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid.

 

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

Salaaddani dheeraadkaa hawl yari kumay helin, qofkii wuxu ka toosaya hurdadiisi, wuxu u kacaya oogis salaad aan lagu waajibin, laga yaaba biyo qabow inuu ku waysaysanayo, haddana waxaas oo dhan uma jeedee oogista salaadda ayuu u jeeda, sidoo kale qalbigiisa waxa ruxa aayadka Alle SWT marka uu akhriyo, sida Alle SWT sheegay, “Aayadkayaga waxa rumeeyey, kuwa marka Illahay la xuso la dhaca sujuud, ee tasbiixsada, kuna mahadceliya Rabigood iyagoon is kibrinayn, dhinacooguna jiifka ka dheeraaday.” Wuxu is tusinaya hirarka fog ee Alle SWT bidhaamiyey in la helayo, “Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday jannooyin, wabiyaal iyo degenaasho dhab ah oo Illahay agtiisa laga helayo.” Cagahaa bararaya, murqihiisa daalaya, cunihiisa qalalayana wuxu ku rabaa jannooyinkaa Alle, si uu taa u gaadho ayuu dhiniciisa habeenkii dhulka u diiday in yar mooye, “Waxay ahayeen kuwo habeenki inyar un seexda.” Sidaa waxa leh Alle. Waana ta dhabta ah ee lagu gaadhayo abaal gudka sare ee Alle SWT inoo sheegay.

Mar kasta oo aad ku jirto gudashada cibaado uu Alle SWT ku faray ogow in aad u dhaw dahay Alle SWT, Rasuulka ka sugan, “Addoonku wuxu Alle ugu dhaw yahay markuu caabudayo.” Waxa looga jeedaa markuu sujuudsan yahay. Qofku halka uu mar walba uskaga ka ilaaliyaa waa wajigiisa, uma ogola in wax yari ka gaadhan, sidoo kale haddii wax lagu soo tuuro markaba wajiga ayuu qariyaa, waxa uu u qarinayaana waa inaanu u ogolayn wax wajiigisa xumeeya. Haddaba qofku marka uu cibaadaysanayo wuxu madixiisa u foorariya waliba dhulka u dhigaa waa Alle SWT dartii, taasa ah abaal weyn oo Alle SWT kuu ogsoon yahay, adiguna waxa aad sharaf ku helaysaa kolba inta aad Alle SWT isku dhul dhigto.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories