HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybtii 16aad) Fadliga cibadaada habeenkii

Axkaamta Ramadaanta (Qaybtii 16aad) Fadliga cibadaada habeenkii

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hase ahaate xilligii Cumar Ibnu Khadaab Rc ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda, oo habeen walba bacda cishaha la tukan jiray, iyadoo qofkii doona tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin, sidaasanay ku noqotay salaad illaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukada waa kow iyo labaatan, saddex iyo toban ama kow iyo toban ba waa tiro sugan, se mid baa muhiim ah in la ogaado, taaso ah salaadda marka aad tukanayso waa inaad tukaddaa salaad xasiloon oo aan dadajin lahayn sida dhacda qoloyinka tukada kow iyo labaatanka rakcadood u dadajiyaan.shekh

Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku CSW wuxu ugu bushaareeyey dambi dhaaf iyo naxariis, “Qofka kaca Ramadaan, isagoo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Waxa kale oo la dhiirigaliyey in aad salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamac habeenimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhamayso imaamka sida Rasuulka CSW ka sugan, “Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka illaa intuu ka dhamaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagna.” Sidaa waxa leh ergaygii Alle SWT, haddii aad imaamka la dhamaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare.

Inta badan waxa aynu u hiranna hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban laabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

Sidoo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha,Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid.

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories