HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybtii 13aad) - Fadliga cibadaada habeenkii

Axkaamta Ramadaanta (Qaybtii 13aad) – Fadliga cibadaada habeenkii

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhRamadaan waa bil cibaado, wax kasta oo san oo la sameeyo bishaa abaal gudkeedu waa mid la labban laabo, dheeraadka bishu wadato awgeed. Sidoo kale waa bil khayr leh oo wixi xumaan wada albaabada loo laabo. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inuu yidhi, “Markay Ramadaan soo gasho; albaabada jannada waa la wada furaa, kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeya.” Markaa bishu waa bil sarreedo, oo bilaha kale ka tilmaaman.

Sidaa darteed bishan waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaaddo ka badan cibaadoyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaaddooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeennimada Ramadaan, oo loo kaco in la oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan.

Haddaba in habeennimada Ramadaan lagu cammiro salaadahaa waa mid Rasuulku CSW dhiri galiyey, “Qofka kaca habeenka Ramadaan, kaas oo la kaca iimaan iyo dambi dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo dambe ba.” Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libintaa lagu gaadhayaa waa inaad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Iska daa wax kalo Alle SWT isagoo ka hadlaya qofka iska hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan ayuu yidhi, “Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, isagoo ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxarista Rabbigii, ee miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?.” Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal celin lahayn.

Salaadaha habeennimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka CSW sida ay Caa’iishaRc sheegtay Nabigaa ku tukaday masaajidka, dhowr saxaabadiisa ah baa la tukaday, habeenkii labaad buu haddana ku tukaday dadkii baana soo batay, ka dib habeenkii saddexaad markuu arkay in masaajidkii laga soo buxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagi baryey wuxuu ku yidhi “Waxaan idinku soo bixi waayey, waxaan ka baqay in laydinku waajibiyo.”

Xadiiskaa waxa aynu ka faa’idaynaa in salaaddu sunne tahay, haddii Rasuulku CSW uu jogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib, Rasuulku CSW wuxu inoo ahaa mid danteena ka shaqeeya oo dhib inala jeclayn, waana sababtuu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajibbaa, ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa, “Haddaan haa odhan lahaa, waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.”

Hase ahaate xilligii Cumar Ibnu Khadaab Rc ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda, oo habeen walba bacda cishaha la tukan jiray, iyadoo qofkii doona tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin, sidaasanay ku noqotay salaad illaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukada waa kow iyo labaatan, saddex iyo toban ama kow iyo toban ba waa tiro sugan, se mid baa muhiim ah in la ogaado, taaso ah salaadda marka aad tukanayso waa inaad tukaddaa salaad xasiloon oo aan dadajin lahayn sida dhacda qoloyinka tukada kow iyo labaatanka rakcadood u dadajiyaan.

Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku CSW wuxu ugu bushaareeyey dambi dhaaf iyo naxariis, “Qofka kaca Ramadaan, isagoo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Waxa kale oo la dhiirigaliyey in aad salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamac habeenimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhamayso imaamka sida Rasuulka CSW ka sugan, “Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka illaa intuu ka dhamaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagna.” Sidaa waxa leh ergaygii Alle SWT, haddii aad imaamka la dhamaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare.

Inta badan waxa aynu u hiranna hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaal celin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labban laabta hawlkarnimadaadi, taasood ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaal gud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukada salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan, “Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.” Xadiiskaasi wuxu bidhaaminaya in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale aad u kacayso.

Sidoo kale waxa lagu soo afmeera oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waanna rakcad qudha,Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday, “Habeenka laba witri kuma wada jiraan.” Sidaa ajligeed haddaad hore u soo tukato taraawix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid, ee marku salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici, ama salaadda witrigaa ee u ku soo afmeeray salaadda la tukan maysid.

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah, “Salaadaha waxa ugu fadli badan marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories