HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybtii 12aad) - Sadaqada iyo Soonka

Axkaamta Ramadaanta (Qaybtii 12aad) – Sadaqada iyo Soonka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shekhSadaqadu waa qashinka ka baxa qofka ee uu ku helayo dambi dhaaf iyo naxariis, gaadhigu haddaanu saliida iska badalin noqon maayo mid raandhiis sii lahaada ee marka dambe wuu is duqeeya, sidoo kale sadaqadu waa dambigii qofku sameyey oo uu iska bixiyey, waana ta uu Alle SWT leeyahay, “Ka qaad xoolahooda qayb, si ay iskugu daahiriyaan, una ducee.” Bal u fiirso aayaddaasi sida mugga leh ee ay wax u bidhaaminayso, marka xoogaa lagaa qaado aan ku damqayn waxa aad helaysaa fudayd dambigaagi lagaa dul qaaday, sidoo kale waxa aad helaysaa duco.

Sidoo kale waa biriij isku xidha bulshada qaybaheeda haynta ku kala sarreeya, mar kasta oo qofka hodanka ahi uu ka war hayo bulshadiisa liidata waxa dhexdooda ku beermaya kalgacal iyo is jeclaysii, qof kasta oo wax bixinaya marka la yidhaa kaaga liita wax sii, wuxuu dareemayaa in aan xoolihiisi meel kale ka tagin waana ta uu Rasuulku CSW ka duuleyey ee uu ku lahaa Mucaad Ibnu Jamal Rc, “Ka qaad xoolaha intooda ladan, kuna celi intooda saboolka ah.” Waa xoolahaagii oo adiga kaa baxay isla adigiina kugu soo noqday.

Se haddii aad ku dheggenaato xoolahaaguna barako yeelan mayaan adiguna mid culays saaran yahay unbaad ahaan, Rasuulku CSW isagoo muujinaya in sadaqadu aanay qofka mid musalaf ah ka dhigin wuxu yidhi, “Sadaqadu xoolaha waxba kama nusqaamiso.”

Haddaad lahayd wallee shilinkaa kaa baxay kuu soo noqon maayo, inta kaa baxday in ka barako badan baa ku soo geli, sidoo kale inta kugu hadhay ayaa noqon doonta in ku barakowda. Alle SWT isna isagoo qofka xoolihiisa bakhaylka ku ah la hadlaya ayaabu yidhi, “Yaanay u malayn kuwa xoolaha Alle siiyey lexejeclaysanaya inay sidaasi u khayr badan tahay, hase ahaate waa u shar.”

Haynta iyo kaydinta xooluhu maaha mid la diidan yahay, se waa in aad ogaataa in xoolahan uu Alle SWT ku siiyey, sababta lagu siiyeyna aanay ahayn jacayl khaas ah oo adiga laguu qabo, hase ahaate ay tahay imtaxaan lagugu eegayo, sida aad ka yeeshana masiirkaagu noqon doono.

Sadaqadu waxa ay ka qayb qaadata cimri dhererka; marka laga hadlayo in cimrigii laguu qoray wax lagugu darayo maaha, sida culimo badani ku tagsan yihiin, hase yeeshee waa in cimrigii lagu siiyey barako ku yeesho, Sidaasu Rasuulku CSW u lahaa, “Sadaqadu cimriga way dheeraysa.”

Haddii sadaqo aynu bixinnay cimrigii inoogu dheeraanayo tallow aakhiro marka la joogo na sidee baynu ku noqon doona bixinta sadaqada?. Xadiiska qiimaha badan ee ka warrama maalinta aan hadh jirin ee la taagan yahay bannaanka qiyaamaha ayaaba Rasuulku CSW ka soo reebay dadkaa badan ee bacadka taagan dad toddoba astaamood laga helay in aanay iyagu ku jirin kuwaa bacadka taagan, se ay helayaan hadh Alle SWT ugu talo galay. Haddaba toddobadaa waxa ka mid ahaa sida xadiisku sheegay qof gacantiisa midig waxay bixisay aanay ogaan gacantiisa bidix.

Sida macquulka ah marka qofku wax bixinayo labadiisa gacmood ayaa isku kaashada bixinta, sida lacag la tirinayo si loo bixiyo amase alaab la dhibayo, ee ka warran gacantii ugu dhawayd ba haddii aanay ogayn waxay bixisay saaxibadeed. Murti Soomaaliyeed baa ahayd, “Midigtuba micin ma leh, hadday bidixdu maqan tahay.” Waxa aad arkaysaa in labadii mataanaha ahaa sidaa ku kala tageen, waxa aad arkaysaa in aan dhayal lagu helayn galladaha Alle SWT, se shaqo dheeraad ah lagaaga baahan yahay, markaa waa halka aad is dhigto qof wallow ba.

Soonka dhexdiisa inaad wax sadaqaysato waa mid la dhiri galiyey oo dadku wax wada qabaan, Rasuulka CSW waxa ka sugan inuu yidhi, “Qofka, qof sooman afuriya wuxu leeyahay ajarka qofka sooman.” Culimadu marka ay sharraxayaan xadiiskaa waxa ay yidhaahdaan; laga qaadi maayo kan la afuriyey ajarkiisi ee ajarkiisa oo kale ayaa isna la siinaya.

In aad ka war hayso jaarkaaga jilicsan waa mid loo baahan yahay, oo dambi ba waxa kugu filan in adoo dharagsan jaarkaagina kugu ag bakhtiyayaan. Waana mid maanta dhacda in aad arkayso xaafad dhan oo haddana asturan inaan dabba loo shidin, taaso keentay inay ka dhawrsadeen inay dadka wax waydiistaan, Alle SWT isagoo wax walba inooga xogogaal badan, waxa uu inoo bidhaamiyey ka war haynteeda, “Ka wax ma garatada ahi wuxu u malaynaya dad xoolo leh is dhawrsanaantooda awgeed, waxaad se ku garan kartaa tilmaamahooda, dadkana wax ma waydiiyaan.” Kuwaa ayaa ah in la ogaado oo laga war hayo, si Alle koreeye inoogu naxariisto.

Inta badan maanta waxa ina wareeriyey dad ay shaqo u tahay oo aan gaajo na soo saarin se soo shaqo tagay. Kuwaas oo masaajiddii lagaga tukan laayahay, halka kuwii ay ahayd in laga war hayo ee jaar iyo ehel ba lahaa la dayacay.

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories