HomeAxkaamta Ramadaanta – (Qaybtii 10aad) - Soon aan Salaad lahayn ma la...

Axkaamta Ramadaanta – (Qaybtii 10aad) – Soon aan Salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shekhSaxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, ka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.

Fahamo kala duwan oo laga soo saaray hab adeegsiga xadiiskan ayaa culimo badani ku kala tageen, culimada qaar waxa ay soo guuriyeen hadalkii Taabicigii Suhri ee ahaa, “Gaalnimada laga hadlayaa maaha tii waynayd ee waa gaalnimo ka sokeysa gaalnimada weyn,” Hadalkaa waxa ku tagay culimo badan oo hore iyo dambe ba lahaa. Hase ahaatee culimada ganafka ku dhufatay hadalkaa ayaa iyaguna leh, “Xadiiska in laga fahmo qofka salaadda ka tagaa inu gaal yahay waa fahamkii Saxaabada, Taabiciintii waaweynayd, Imaam Suhri na waa Taabiciintii yaraa (oo wuxu ka mid ahaa taabiciinti dambe oo ma soo gaadhin Saxaabada waawaynayd badankooga) markaa fahamka lagu midaysan yahay aynu ku tagno.”

Aayaddo badan baa ku soo degay qiimaha iyo abaalcelinta Alle SWT qofka ooga salaadda u leeyahahy. Ugu horayn Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu waxay u tahay Muminiinta wakhti go’an.” Maaha jaanta rogan in aad ka dhigtoo xilligi aad doon taba aad tukato, se waa wakhti la jaan goyey oogisteedu.

Rasuulka CSW oo bushaaro nololeed ku iftiminaya oogsiteedu na wuxu yidhi, “Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimce lagu gaadho, waxa ay tirtiraan dambiyada yaryar haddii aan lagu darin dambi weyn.” Xaqiiqdii iska daa in aad ajar ka heshide adigii baa lagu leeyahay dambi yadii kale ee kaa dhacayey na way masaxaysaa.

Salaadda oogisteeda marka aynu ka hadlayno waxa ay leedahay Shuruudo, Arkaan iyo Waajibyaal haddii mid ka mid ah aad ka tagto salaaddada inay xagga Alle SWT u gudubto laga baqo qabo. Rasuulka CSW wuxu yidhi, ”Qof lixdan sannadood tukanayey baa iman doona isagoon hal salaad laga aqbalin.” Waa yaabe, lixdan sannadoodna wuu tukaneyey salaad kaliyana lagama aqbalin waa maxay tallow?. Inta aynu kor ku soo sheegnay unbuu khaldayey.

Sidoo kale Rasuulka CSW oo misaajidkiisi xagga dambe ka fadhiya ayaa nin soo tukaday salaamay, inta uu salaantii ka qaaday ayuu u raaciyey, “tuko maad tukane,” ninkii inta uu degdeg u noqday ayuu haddana soo tukaday Rasuulkuna CSW intii unbuu ku celiyey. Mar saddexaadkii ayuu ku yidhi, “Rasuul Allow intaa in ka badan garan maaye maxaan sameeya.” Ninkaasina intaa aynu kor ku soo sheegne Shuruud, Arkaan iyo Waajibyo ah unbuu khaldayey. Markaa ansixidda salaaddada waxa kow ka ah in aad barato wixi salaaddadu ku ansax noqonaysay.

Haddaba halkan waxa aynu wax yar ka tilmaami doonna Shuruudaha iyo Arkaanta Salaadda ee aynu soo tilmaanay .

Shuruda Salaadda waxa ka mid ah:

  • Muslim (gaalka salaadda waxa uga horaysa inu Illahay SWT rumeeyo)
  • Dahaara-qab (haweenayduna ka dahaara qabto dhiga cadada, dhabar furanka iyo dhiiga dhalmada ka dambeeya)
  • Gaadhista wakhtiga salaadda
  • Miirqab
  • Qaan-gaadhnimo
  • Waysa-qabnimo
  • Jihaada oo aad u jedsato

Arkaanta Salaadda waxa ka mid ah:

  • Takbirta (inaad Salaadda Allaahu Akbar ku xidhato)
  • Akhrinta fataxada
  • Rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Ka soo toosidda rukuucda iyo inaad ku xasisho
  • Sujuudda iyo in aad ku xasisho
  • Markaad ka soo toosdo sujudda ina aad ku xasisho
  • Fadhiga dambe .

Sidoo kale salaadaha; Jimcaha, Ciidda, qorax ama dayax madoobaadka, roob-doonta, jinaasada, iyo musaafirku waxa ay leeyhiin qaab gooni ah oo loo tukado, qaabkaa oo ka sugnaday Rasuulka CSW inu u tukaday.

Dad-la-dhaqanka marka aad tahay qof sooman

Diinta Islaamku waxa ay ka soo dhex baxday bulsho aan xaddaarad iyo ilbaxnimo lahayn, sidoo kale hab maamulkii jiray xilligaa aan la jaan hayn, wax soo saarkii dunida loogu kala gooshayeyna aan iyadu waxba ku darsan jirin, hase ahaate tokhoogu ahaa mid gidaar lala soo taagan yahay. Hab maamuskooda waxa u bud-dhig u ahaa tolnimada, ninkii laandheera ah uun baa magaalada sidu doono u dhex marayey wuxu doonana ka dhex samaynayey. Ninkii laga itaal roon yahayna wuxu ahaa mid dibinta uun iska ruuga oo aan wax kale samayn karayn.

Markii islaamku soo baxay ayaa dadki diintii u sinnaadeen, Rasuulka CSW waxa wada rumeyey haldoorkii Quraysh sida Abu Bakar iyo Cusmaan, sidoo kale waxa rumeeyey addoomo la lahaa sida Bilaal oo kale. Rasuulku CSW isku si uun buu ula dhaqmi jirin midna ma soo dhawaysan jirin midna ma fogayn jirin raggaa wada rumeyey.

Dad la dhaqankaasi wuxu horseed u noqday intii la liidi jiray inay gabood ka soo dhigtaan diinta oo ay ka helayeen sinnaan, taasana saldhig u ahayd inay hal daba la’ u soo galaan diinta qof kasta oo hoos loo eegi jiray ba.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories