HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 8aad) – Ilaalinta Carrabka iyo Wakhtiga

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 8aad) – Ilaalinta Carrabka iyo Wakhtiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shekhIlaalinta carrabka iyo wakhtiga

Waxaynu halkaa ka arkaynaa carrabku in uu yahay waxa samaha iyo xummaanta inoo soo jiida, haddii waxaynu ku hadlayno yahay wax Alle SWT raali galinnayn sida xadiiska ka muuqata ayeynu waxaynu ku galabsannay naar ku galaynaa.

Illaahay isaga oo inoo baanaya wuxu ina leeyahay “Miyaanan u samayn laba indhood, carrab iyo labadiisi daan.” intan aad ku socota ba ee aad wax ku arkaysaba annagaa leh. Sidoo kale carrabkan iyo labada daan ee isu hagaajiya ama isu toosiya hadalka annagu miyaanan ku siin weeye su’aashu, haa Allow adaa na siyey, sidaa awgeed waxa innala gudboon mahadcelin.

Illaahay SWT mar kale wuxu innoogu baanay inuu ina siiyey carrab hadalka soo saara, “Wuxu idin baray hadalka.” Ogow mar kasta oo aad hadal maqasho waxa hadalka soo saara waa carrabka, kaas oo aynu ku kala duwannahay makhluuqaadka kale.

Sidoo kale Alle SWT wuxu inoo sheegay eray kasta oo afkeena ka soo baxa inuu yahay mid guntan oo la qorayo, “Kama soo baxo hadal ‘afkooga’ illaa waxa tirinaya oo ogsoon Malaa’ig.”

Qofka sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Akhlaaq marka laga hadlayo waa habdhaqanka qofka oo toosnaada, waana mid diintu dhiirigalisay in lala yimaaddo, iyadoo dadka ku tartansiinaysana u tilmaantay in maalinta qiyaame sida loo kala akhlaaq roon yahay loo kala darajo sarrayn doono waxaana taa muujinaya xadiiska sugan ee Rasuulku CSW leeyahay, “Waxa Mu’miniinta ugu darajo sarreeya kooga ugu akhlaaq wanaagsan.” Hubaashii habdhaqanka suubani wuxuu qofka gaadhsiiya sarreedo aan salaad badnaan iyo soon badnaan lagu gaadhin.

Waa habdhaqan uu hormood ugu ahaa ummadda Rasuulku CSW miyaanad arag marka Alle SWT leeyahay, “Waxa kuu sugnaatay akhlaaq sarraysa.” Sidoo kale Caai’sha Rc ayaa mar la waydiyey habdhaqankii Rasuulka CSW waxay ku tidhi, “Habdhaqankiisu wuxuu ku salaysnaa Qur’aanka.”

Rasuulku CSW wuxuu ahaa mid horseed u ah ku dhaqanka diinta sidaa darteed qofka ugu hor dhaqma ayuu ahaa.

Habdhaqanka tolmoon waxa lagu gartaa af gaabni iyo dhawrsanaan sidaa ajligeed ayaa ergaygii Alle SWT lagu sheegi jiray inuu ahaa mid tilmaamaha ku suntan, xadiis ka suganna wuxu ahaa, “Alle wuxu ugu jecel yahay dadka qofka aan hadalka badnayn, wuxuna ugu neceb yahay qofka hadalka badan ee bilaa murtida ah.”

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories