HomeAxkaamta Ramadaanta – Qaybta 6aad

Axkaamta Ramadaanta – Qaybta 6aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shekhMiyey jiraan wax aan cunista iyo cabbista ahayn oo soonka jabiyaa?

Waxa soonka jabiya wax kasta oo leh macnaha cunis iyo cabbid ee uu gudba qofka gudihiisa, waxaana arrintaa caddaynaya xadiiska Rasuulka CSW, “Ku xeel dheerow sandaarsiga haddii aanad ahayn mid sooman.”

Halkaa waxa aad ka arkaysaa haddii aad sooman tahay in aanad sandaarsiga ku sii fogaanayn oo aanad isku fogaynayn sandaarsiga, waana daliil muujinaya qofka ay biyuhu gudaha u galaan inu soonkiisu jabayo, yaanay ahaan ba kuwa afka laga isticmaalo ee cunis iyo cabbis ah.

Waxa taas la mid ah faleebooyinka loo isticmaalo qofka ee xididka lagaga quudinayo, oo afka sanka ama meel jidhkiisa ka mid ah lagaga xidho, taas oo aanu qofku dareemayn gaajo iyo haraad toonna, oo uu helayo faleebo cunto iyo cabbis ba iskugu jirta oo awood uu kaga maarmo siinaysa, sidaa darteed uma bannaana in qof sooman uu isticmaalo isagoo ku jira gudashada soonka dhexdiisa.

Waxa kale oo iyaduna la mid ah faleebooyinka laysku xidho inuu qofku qaato sida faleebada dhiigga oo la yidhaah dhiig ayaa lagu shubayaa isago sooman, maaha wax bannaan, sidoo kale dheecaanada nafaqada ee ka kaxaynaya inu gaajo ama haraad dareemo maaha wax bannaan iyaguna.

Arrimahaa aynu kor ku soo xusnay waxa ay meesha ka saarayaan ahmiyaddii soonka ee ahayd in qofku Alle SWT dartii u dareemo surmi iyo gaajo, taas oo qalbigiisa ku dhalinaysa inuu baqasho sameeyo ah horta yaad u sooman tahay ee aad u gaajeysan tahay? Maxaad ku helaysaa tawskan ama gaajadan adag ee aad ku jirto?. Hubaashi su’aalahaasi waa mid qalbigiisa goojinaya, hir fogna ka tusaya abaal-celinta Alle SWT.

Biyaha taranka oo la iska keeno soonka ma jabiyaan?

Haddii qofku si ula kac ah isaga keeno biyaha taranka, waxa buraya soonkiisii, waxana lagu leeyahay qallo maalinkaas ah, se haddii si aan iska keenis ahayn ay kaaga yimaaddaan, tusaale adiga oo hurda oo aadan is ogayn, soonkaagu maaha mid jabaya. Biyaha taranka haddii aad gacantaada isaga keento iyo haddii fara-ka ciyaar xaaskaaga aad la samayso kaaga timaad waa mid jabinaysa soonkaaga.

Ma jiraan wax la isku khilaafsan yahay in ay soonka jabiyaan?

  • Hadduu qof bixiyo dhiig isagoo sooman waa arrin laysku khilaafsan yahay oo culimada qaar waxa ay leeyihiin, “Waxa daciifaya awooddisii isagoo marka hore ba iska daciif ahaa soonka dartii, sidaa ajligeed ma bannaana,” culimada qaarna waxa ay yidhaahdeen, “Way bannaan tahay hadduu qofku karayo kamana jabinayso soonkiisa,” waana sida loo badan yahay.
  • Dadka xiiqda qaba naqaska ay afka ka qaatan soonka ma jabinayo sida loo badan yahay.
  • Qofka maalin Ramadaan istooba waxa loo badan yahay in aanu ka jabayn soonku.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories