HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 25aad) Sakaatul-fidriga

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 25aad) Sakaatul-fidriga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhSakaatul fidrigu waa khaladaadkii qofka ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sidu Rasuulku CSW sheegay, “Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adoo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto unbaad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

Xilliga la bixinaya waa cadceeda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceeda maalinta ciiddu, “Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

Salaadda ciidda ka hor inaad bixiso ayaa la raba si qofkii maskiinka ahaa u helo, markaas bay noqonaysaa sako la aqbalay, hase ahaate haddaad bixiso salaadda ciidda ka dib waa sadaqo. Dood baa ka taagan ma loo aqbalaya sako, waxaanay u badan tahay in aan la aqbalayn haddaan cudur daar jirin, sida qofka oo ilaawa. Waxa kale oo banaan labada cisho ee u dambeeya Ramadaanta in la iska sii bixin karo sakaatul fidriga.

Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sidoo kale lab iyo dhadig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid.

Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sidoo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, hase ahaate waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories