HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 23aad) Laylatul-Qadriga

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 23aad) Laylatul-Qadriga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhAlle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sidoo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u ku dhaco se habeen is gedgediya ah. Oo si halxidhalaysan loo baadhayo, waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo sideetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay, “Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.”

Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah inuu yahay habeenkii la soo dejiyey Qur’aanka, “Waxaanu soo dejinay ‘Qur’aanka’ habeen la wayneeyo.” Mar kale Alle SWT isagoo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi “Annaga ayaa soo dejinay habeen la waynneeyey ‘Qur’aanka’, maxaad ka taqaan habeenka la wayneyey, waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa soo daadagta malaa’igta iyo Malaga ruuxda ‘Jibriil’, ogolaanshaha Rabbigood, waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.”

Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkani habeenka u dhaco inu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday in laba Saxaabi oo murmay darteed Rasuulki CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxase laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.” Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood inu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun aduu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guur guura ee habeennada kala dhiman ba iska xil saar inaad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeya waa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Sidoo kale habeenka waxa lagu gartaa cirku inaanu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinaahiyey.

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories