HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 21aad) Fadliga Masaajidka (2)

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 21aad) Fadliga Masaajidka (2)

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

shekhWaxa laga warramaa maalinta qiyaame ee bacadka la taagan yahay sidoo kale cadceedda la soo dhaweeyo illaa qof kastaa uu is moodo in foodda ay u taagan tahay inuu jiro mid aan cadceeddaa iyo kulaylkaa laga cabanaya aan dareemin ba, haa todobada maalintaa loo hadheyey waxa ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka, markaa waa ku adi.

Ganacsigu shaqo la qabto waa ta ugu mashquulka iyo halleelka badan, xilli gooni ahna aan lahayn se shaqo furan xilli walba ah, taaso qofka inuu Alle SWT u cibaadaysto xilliyada cibaadada inta badan ka mashqulisa, oo uu is arko uun iyadoo salaaddii ba laga soo baxay, se waxa jira qaar iyagu masaajiddana camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.”

Xoogaaga adduun ee lagu siiyey waa mid lagugu eegayo sida aad ku samayso, maalinta qiyaame na waxa lagu warsan doonaa xoolaha halkaad ka keentay iyo halkaad ku bixisay. Wax kastood hor mariso oo xoolahaaga ahna iyadoo ka khayr badan baad heli siduu Rasuulku CSW sheegay, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdega ah ee ku soo noqday durba. Adiga un baa wax is taraya hubaashi.

Xilligii Rasuulka CSW, iyo xilliyadii Saxaabada, Taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba Masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan qabta, wuxu ahaa xarunta looga taliyo ummadda Muslimiinta, ee ay ku oogaan salaadahooga, sidoo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku CSW fadhisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray, sidoo kale wuxu ahaa goob aqoon korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka CSW wax lagaga baran jiray.

Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah, oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sidoo kale lagu soo saaro kii hoggaamin lahaa ummadda.

Wuxuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha, waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna illaa maanta shaqeeyaan waa kuwii asaaskoodu ahaa masaajidka sida As-harta Masar, jaamacadda Saytuuniya ee dalka Tuunis.

Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn, dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo intii raacday habdhaqankiisi, hase ahaate markii maskaxada layska soo guumaystay ee layska soo itaal roonaaday ayaa sidaa laynoogu soo arrimiyey.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories