HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 20aad) Fadliga masaajidka

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 20aad) Fadliga masaajidka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

shekhMarka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku CSW inoo sheegay, “Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.”

Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka CSW ka sugan, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.” Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn, hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taaso u keenta inu ku soo noqnoqdo.

Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray inaad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taasood ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey, “Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.”

Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle unbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweyey, kuwaaso leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, “Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,” haa xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeed halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay.

Sidoo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isagoo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda inay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, “Haku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta qiyaame iftiin helayaan.”

Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow inu yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku CSW sheegay, “Haddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir imaan.” Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, “Waxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeyey iyo maalinta qiyaame.”

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories