HomeAxkaamta Ramadaanta (Qaybta 19aad) Fadliga ducada iyo Xilliyada ay u dhowdahay in...

Axkaamta Ramadaanta (Qaybta 19aad) Fadliga ducada iyo Xilliyada ay u dhowdahay in la Aqbalo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhDuco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, “Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.” Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga unbaa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso inaad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn.

Cibaadadu waa inaad muujiso inaad tahay addoon baari ah, adigoo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray inaad samayso, kana joogsanaya wixi lagaa reebay inaad fasho, markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado, Rasuulku CSW wuxu yidhi, “Ducadu waa cibaado.” Mar kasta oo aad Alle SWT barido isna agtaada ayuu joogaaye wuu ku jawaabi sidu Alle SWT sheegay, “I barya aan idinka aqbale.” Soomaalidu waxa ay tidhaa, “Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,” halka Alle SWT uu ka leeyahay “I baryaa aan idinka aqbale.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa.

Mar haddii aynu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warrama kuwa iskala deeqtoonada inay Alle baryaan amase wax dan ah aan ka galin inay Allahood baryaan, Alle SWT wuxu yidhi, “Kuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dulaysan.” ogow in uu yahay ka ka maaga inu Alle SWT baryaa mid ka quustay, Alle SWT sidu sheegay ba, “Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,” taaso muujinaysa damiir iyo imaan xumo qofka ka quusanayaa ma wuxu moodayaa inuu Alle ka dheer yahay, “Haddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg inaan u dhawahay, ka i baryayaa marku i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.” Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.

Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?

  • Qofka soomanni marka uu afurayo
  • Marka aad sujuudsan tahay
  • Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
  • Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
  • Habeenka xilligiisa dambe
  • Maalinta jimcaha salaadda Casar ka dib (sida culimo badan ku tagsan yihiin).

Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducadaada sidaa Rasuulka CSW ka sugan, “Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.” Xaaran cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryadaada. Nin baa jiray Alle baryey isagoo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa in lagu aqbali lahaa; Safar buu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor buu u taagayey.

Saddexdaa arrimood ba waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo, hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisi nololeed, Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh, “Wuxuu quudanayey xaraan, hugiisuna xaaraan buu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaraan e’ sidee looga aqbalaya baryadiisa?.” Xadiiskaa su’aal baa ku jirta inaga garaadkeena lagu wayddiinayo ninka sidaa ah sida looga aqbalayo. Haddaa saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay inuu xaaran quute ahaa, markaa haddaad baryadada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo.

Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso, “Allahayow waad samaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.” Waa baryo Rasuulku CSW ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman, sida 21, 23, 25, 27, 29, se waxa ay tahay in habbeen kasta iyo mar kasta ku ducaysato, ducaduna mar walba waa mid furan.

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories