HomeAxkaamta Ramadaanta Qaybta 18aad (Tobanka dambe ee Ramadaan)

Axkaamta Ramadaanta Qaybta 18aad (Tobanka dambe ee Ramadaan)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

shekhTobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo gasho, waxa loo dadaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha Rc waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa inaad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galo. Inta badan dadku marka tobankaa dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardar galin xagga cibadadaa ah la sameeyo, waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta.

Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynu leenahay waar laydinma diidana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono.

Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso.

Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo

Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya, adigoo khasab lagugu leeyahay inaad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu ydih,i “I xusa aan idin xuse,”. … Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adoo dambi dhaaf wayddiisanaya, adoo xumaan ka kor yeellaya iyo adoo u mahad celinaya galladaha uu kugu deeqay dartii.

Sidoo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa inuu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa in badan Alle xusa, iyagoo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adoo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adoo suuqa iska dhex maraaya, adoo shaqadaada ku jira.

Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na deganaan, Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”


Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories