HomeAxkaamta Ramadaanta (Q. 9aad) - Qofka Sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga...

Axkaamta Ramadaanta (Q. 9aad) – Qofka Sooman akhlaaq caynkee ah ayaa looga baahan yahay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

shekhHabdhaqanka sare waxa ka mid ah sida aynu soo sheegnay xishoodka, xishoodka ugu dunsani waa ka qofku Alle SWT ka xishoodo. Rasuulka CSW oo maalin la hadlaya asxaabtiisi baa ku yidhi, “Waar ka xishooda Alle, xishood dhab ah,” inta ay naxeen saxaabadi ayey si degdeg ah ugu falceliyeen, “waanu ka xishoonnaa Rasuul Allow,” intaa markii ay yidhaahdeen buu haddana ku yidhi, “Xifdiya madixiina iyo intuu koobsaday, xifdiya calooshiina, badiyana xusuusnaanta geerida.”

Billaahi calaykum xadiiskaasi muxuu inoo reebay, haddii lagu yidhi xifdi madaxa iyo intuu koobsay; waa indhahaagu yaanay eegin wax aan Alle SWT raali ka ahayn, dhegehaaguna yaanay dhagaysan wax Alle SWT necbaysanayo, calooshaada yaanay gelin xoolo aan xalaal ahayni weeye.

Sidoo kale badiya xusuusta geeridu na waa ha isa siin noloshan, maalin aadan is ogayn ayey geeridu kuu iman kartaa, saacad aadan ogayn ayey naftu kaa bixi kartaa, mar walba waa in diyaar u noqotaa geerida.

Soon aan Salaad lahayn ma la aqbali karaa?

Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray inay sameeyaan.

Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isagoo ergaygiisi Muxammed CSW uu dunida sare la jooga.

Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay, waxana sabab u ah camalkiisii ayaa xumaanaya. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.

Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taaso haddii uu markiisi hore ahaa mid qalafsani u dhashay ka dhigta mid ka miirta dabeecaddiisi adkayd, sidoo kale salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo, mihimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaad sidoo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.

Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, “Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi waxa u si cad u qeexaya dhanka lagu tirinayo qofka ka taga oogista salaadda.

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories