HomeAWOODDA CILMIGA

AWOODDA CILMIGA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Taariikhda Aadamaha Cilmigu wuxuu ku suntanaa, halka farraqa u dhaxeeya kala duwanaanshaha bulshooyinku kasoo unkamo. Bulshada meel fiican ka gaadha barashada cilmiga waxay ka horumarsanaayeen dhiggooda nolosha ay ku hirdamayaan ama ku tartamayaan. Awooda cilmiga waxaynu in badan ku aragnay isagoo Allah SWT kaga waramaya Quraanka, waxaynu ognahay in Allah Sheegay in ayna sinayn kuwa waxbartay iyo kuwo aan waxba baran. Tusaalayaasha muujinaya awooda cilmiga waxaynu ka xusi karnaa farsamayaqaanadii cilmiga u saaxiibka ahaa ee Nabi Sulaymaan (CS) iyo sidii uu nashqadaysnaa gurigii gabadhii boqorada ahayd ay maradeedii kor uga faydatay iyadoo ka baqaysa in biyaha xaga hoose marayaa ay soo gaadhaan, balse biyuhu maa ay
soo gaadhayn, waayo, guriga sagxadiisu waxay ahayd mid quraarada, biyuhuna hoosteeda marayaan. Subxaanallaah! Bal eeg hadda awooda cilmiga (Ayah 44, Surat  Alnamli).

Awooda cilmigu waa ta suurto galisay, in nabi Muxamed (CSW) iyo asxaabtiisi ay ku badbaadaan qaswatul Axsaab, markii laga faaidaystay cilmigii uu u lahaa xaga difaaca asxaabigii Salmaan al Faaris. Awooda Cilmigu waxa weeye tii u suurto galisay ciidamadii islaamka markii ay khaybar iyo dagaaladii kaleba ay dhaafi kari waayeen qalcadihii gaaladu samaysatay in kooxo Ciidanka iyo Umadda islaamka ka mid ah oo aqoon u lahaa farsamaynta qalabka dagaalka ay sameeyeen wax u dhigma qalabka aynu maanta u naqaano Madaafiicda kaas oo rasaastiisu ahayd dhagaxaan waawayn kadibna lagu gani jiray si gidaarada qalcadaha ay u burburiyaan.

Awooda Cilmigu waa ta u suuro galisay dunida aynu maanta u naqaano in ay horumartay talaabooyinkaa horumarineed ee ay ku talaabsadeen, awooda cilmigu waa ta keentay kala fogaanshaha u dhaxeeya Iran iyo Saudi Arabia. Awooda cilmigu waa ta keentay in maanta dawlada Maraykan ay noqoto tan ugu awooda badan dawladaha aduunka. Aduunka aynu u naqaan in uu horumaray, waxa uu maalgaliyay barashada cilmiga noocyadiisa kala duwan, waxaanu soo saaray, dhamaan qalabka aynu isticmaalno.

Haddaba, si awooda cilmiga looga faaidaysto, waxa muhiim ah in dedaal iyo wakhti dheeraada lagu bixiyo in la  kobciyo aqoonta iyo waxbarashada. Waddamada marka laga hadlayo horumar inta badan loo soo qaato tusaale waxaa ka mida wadanka Singapore, wadanka Singapore waa mid kamida wadama maalgaliyay, dedaal iyo karti dheeraadana ku bixiyay sidii dadkiisu aqoon midho-dhala u baran lahaayeen, waa ku guulaysteen, midhihina waxa uu noqday in wadankoodu noqdo mid kamida kuwa ugu horumarsan aduunka dhinacyo badan.

Jamhuuriyada Somaliland ee maanta aan muwaadinkeeda ahay, caqabadaha ugu waawayn ee ii muuqda, dhamaanteena aan inaga qarsoonayn ee wadanka ragaadiyay, mustaqbalkiisana hoos u dhigaya waxa kamida- dhiiggii iyo ubixii usoo baxayay oo aan tacab badan lagalin, waxbarashadoodii oo aan xil wayn la iska saarin, iyo goobihii loogu talo galay in ay aqoon ku qalabeeyaan dhalinyarta oo noqday sidii meherado iibinaya alaab dhacday, haa sidaas bay noqdeen, waayo maanta Ardayga reer Somaliland aqoonta uu helaa kasoo bilow Grade 1 ilaa Heer jaamacadeed maaha mid anfici karta mustaqbalka wadanka, sababtuna waxa weeye tayadii guud ee waxbarashada oo hoos u dhacday. Guul darooyinkaasi waa mid aynu qayb ka wada nahay, xalkeedana la inooga wada fadhiyo si wada jira in cod dheer aynu uuga hadalno oo u falanqayno, cidii markaasi xilku saaran yahayna ay uga hawlgasho, waa mid kamida waxyaabaha aynu u baahanay in aynu ku doorano Siyaasiyiinta beenta iyo qabyaalada ku ololeynaya, waa in aynu ku Challenge garayno maxaad ka bedelaysaa systemka qariban ee wadanka, maxaan kaa qornaa, oo taas badalkeeda iskaga guurnaa reerkayaga imisa wasiir baad siinaysaa. Dalku dad hormood-san u noqda ayuu u baahan yahay.

Ugu danbayntii si aynu uga faaidaysano awooda cilmiga, qofkasta oo aqoon iyo cilmi gaar ah leh, waa in uu hawl galiyo cilmigiisa uguna adeego dadka iyo dalkaba.

 

Wa bilaahi Tawfiiq

 

Abdifatah Sultan Adem

M.Sc, Development Economics

Hargeysa, Somaliland

Email: Khaliil05@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories