HomeAWDAL: Hanti-dhowrka oo Baadhis ka bilaabay Degmada Baki iyo Odayaal la xidh-xidhay

AWDAL: Hanti-dhowrka oo Baadhis ka bilaabay Degmada Baki iyo Odayaal la xidh-xidhay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Boorama (SLpost)- Hanti Dawrka guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baadhitaan ka bilaabay dawladda hoose ee degmada Baki e gobolka Awdal.

Badhitaanka oo in muddo ah ka socday Dowladda Hoose ee degmada, ayaa lagu baadhayey musuqmaasuq iyo ku tagrifal awoodeed oo lagu eedeeyey maayarka Maxamed Axmed Caateeye , ku xigeenka Dayib Xasan Raage, xoghayaha fulinta iyo masuuliyinta kale ee maamulka.

blankMaayerka iyo ku xigeenka degmada Baki oo ah labada masuul ee ugu sarreeya degmda ayaa ah labadii masuul ee hore xilalkaa u hayay isla markaana doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo deegaanka mar labaad ku soo baxay, waxaana lala xidhiidhinayaa ku tagri fal awoodeed iyo musuq maasuq hantiyeen oo xilkii ay hayeen ay uga faa,iidaysteen doorashadii goleyaasha deegaanka isla markaana ay kaambaynkii ku galeen kuna soo bexeen.

Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya cabashooyinka ka soo yeedhaya bulshada degmada Baki oo ka cabanaya maamul xumo ka jirta dedmada.waxaana  ugu dambeeyay waxgaradka iyo odayaasha degaanka Dooxada Qardhiile oo si wayn u dhaliilay maamulka degmada Baki  ay sheegeen in aanay wali arag cid ka socota maamulka degmada Baki oo soo gaadha deegaanka dooxada  Qardhiile taasoo ay iftiimiyeen in illaa xilligii deegaankaa ay duufaantii Sagar ka dhacday in aanay arag cid maamulka degmada Baki ka socota oo deegaankaa tagta isla markaana aanay jirin wax adeeg bulsho ah oo maamulka  degmda Baki ay ka qabteen deegaanka Dooxada Qardhiila.

Waxgaradkaasi ayaa baaq u diray wasaaradda arrimaha gudaha , waxaanay ka codsadeen in ay soo faro geliso maamulka degmada  isla markaana deegaanka dooxadaas la soo gaadhsiiyo adeegyadaya aasaasiga ah ee ay dawladda hoose uga baahan yihii.

Maamulka degmada Baki.ayaa si ay uga hor tagaan waxgaradka deegaanka ee dhaliilsan hannaankooda shaqo qaaday tallaabo ay dadka ku cabudhinayaan isla markaana xidh xidhay qaar ka mid ah odayaasha degmada.

Dhinaca kale odayaal iyo waxgarad warbaahinta kula hadlay degmada Baki,ayaa soo dhaweeyay baadhitaanka Hantidhawrku ka wado dawladda hoose ee degmada Baki taasoo ay sheegeen in  ay tahay tallaabo wax ku ool ah oo xukuumaddu ku ilaalinayso hantida umadda.

Waxaanay waayeelka iyo aqoonyahanka Baki kula hadlay war baahintu ay caddeeyeen in ay taageersan yihin shaqada Hantidhawrku ka baabay degmada Baki ee gobolka Awdal.

DAWAN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories