HomeAustralia oo hablaha buurbuuran fursad loo siiyay inay ka qayb talaan tartamada...

Australia oo hablaha buurbuuran fursad loo siiyay inay ka qayb talaan tartamada Quruxda iyo xayaysiinta dharka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankDublin (SLpost.net)- Waxa magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan dalka Australia lagu qabtay tartano aan noocoodu hore ugu badnayn dalkaas. Kuwaas oo ah kuwa quruxda iyo xayaysiinta dharka. Tartamadan cusub ayaa markii ugu horaysay lagu soo daray hablaha aadka u cayilay oo aan ku jiri jirin tartamadii hore caadiyan uga dhici jiray dalkaas. Inkastoo dunidu dhaqan ahaan ka sinayeen in haweenku hilibka ku qurux badan yihiin, haddana is badalada wakhtiyadii u danbeeyay dhacay iyo wax badan oo caafimaadka laga ogaaday dhibaato baruurtu leedahay ayaa sababtay in haweenku la dagaalamaan hilibka, fool xumadana lagu daro dadka buurbuuran. Haddaba sida dadka qaban qaabinaya tartamadani ku doodayaan hilibku wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha dadkii hore ee reer Australia iyo dadka waaweyn ee imika nooliba jeclaayeen, sidaa daraadeed in hablo aad u buur buurani ka qayb galaan tartamada quruxdu waa lagama maar maan ayay kooxahani ku doodayaan. Aragtidani waa mid aad ugu dhow ta ay dad badan oo afka Somaliga ku hadla ka aaminsan yihiin haweenka jidhkoodu isku buuxo ee aadka u cayilan. Meelaha laga eegayo dumarkan ka qaybta galaya tartanada ayay ku jiraan, meelo badan oo Somalidu ka qiimayso, oo haddii aynu soo gaabino aynu ku soo uririn karno gabdho kub iyo kalba jidhkoodu isku buuxo. Dabeecadaha aadamiga ayaa meelo badan iska shabaaha maadama oo dadku aabo iyo hooyo kaliya ka soo wada beermeen. Tartamadan ayaa lagu qabanayaa magaalooyin badan oo dalkaas ku yaala waxaana si wayn u buun buunisay warbaahinta kala duwan ee dalkaas. Waa markii ugu horaysay ee hablaha buurbuurani ka qayb galaan tartamo noocan oo kale ah tan iyo intii muddo todobaatan sanadood ku dhow dhow dalkaas laga bilaabay tartanada quruxda iyo xayaysiinta dharka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories