HomeAugustina Mahiga oo Xukuumadda Somaliland Ka Raalli-geliyey Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday...

Augustina Mahiga oo Xukuumadda Somaliland Ka Raalli-geliyey Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday iyo Jawaabta Masuuliyiinta Dawladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustino Mahiigo isla markaana raaligelin buuxda ka bixiyay Qoraal ka soo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa ay ka wada hadleen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Mahiiga arrimo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka Somaliland wanaajinta Xidhiidhka wada shaqayneed ee Somaliland iyo Qaramada Midoobay,waxa uu Wakiilku Madaxweynaha hortiisa ka raali galiyay Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa oo Somaliland ka dhigaysay Maamul Goboleed ka tirsan dalka deriska aynu nahay ee Somalia isagoo sheegay in Xilliga ay Shaqaalihiisu Warqadaas  qoreen uu ka maqnaa Xafiiska waxaanu cadeeyay in qaabkii uu hore ula shaqaynayay Somaliland aanay Waxba iska bedelin,waxaanu Ambassador Mahiiga ku celiyay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimadda Somaliland, waxaanu intaas ku ladhay in Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba uu ka raali gelinayo khaladkaasi.

blankAmbassador Mahiiga waxaa kale oo uu sheegay inuu socdaalkiisa uu  maanta ku yimid caasimada hargaysa uu salka ku hayo sidii uu uga qayb gali lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee maalinta beri ka qabsoomi doonta guud ahaan Somaliland waxaanu shacabka Somaliland ee ka qayb qaadanaya doorashadan uu ku baraarujiyay sidii ay uga dhabayn lahaayeen in doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah isla markaana ay nabadgalyo ku dheehan tahay.

blankMadaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, taas oo Madaxweynaha Somaliland ay ku masaaleen Madaxweyne dawlad goboleed.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ergayga uga waramay doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacaysa maalinta beri taasi oo uu sheegay inay tahay doorashadii shanaad ee ka hirgashay Somaliland tobankii sanadood ee ay dalka ka tisqaadeen nidaamka asxaabta badan.

blankGeesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si kooban u sheegay in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay ku faraxsan tahay soona dhawaynayso booqashada uu dalka ku yimid Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobaay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augostino Mahiiga,waxaanu Wasiirku intaas ku daray in Ambassadorku uu Somaliland u joogo sidii uu Markhaati uga noqon lahaa in doorashada loo dareeri doono maalinta beri ay u hirgasho si Xor iyo Xalaal ah.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustino Mahiigo ayaa Booqashadiisu ay qaadan doontaa Mudo laba Cisho ah.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories