HomeAugustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada...

Augustina Mahiga oo Faro-gelin Qaawan ula badheedhay Xukun ay go’aamisay Maxkamadda Ciidamada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[N]airobi (SLpost)- Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa muujiyey cadaawadda qotoda dheer iyo nacaybka uu u hayo Somaliland isaga oo farogelin qaawan ku sameeyey arrimo u gaar ah Somaliland gudaheeda.

Mahiga oo horeba dhowr jeer Faro-gelin noocan ah ku sameeyey Gudaha Somaliland ayaa wakhtigan isaga oo ka faa’idaysanaya xukun dhawaan lagu fuliyey maleeshiyo weerar ku qaadday ciidamada Qaranka, waxa uu si badheedh ah wax uga sheegay Garsoorka Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa magaalada Nairobi ayuu kaga hadlay xukunno ay Maxkamad Milatari ku ridday Maleeshiyo hubaysan oo weerar ku qaadday Xero Ciidan oo ku taala Bariga Hargeysa, kuna waxyeelloobeen dad ka tirsan labada dhinac. Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland dib uga noqoto go’aanka Maxkamadeed ee xukunka dilka ah loogu fuliyey 17 ka mid ah 28 qof oo dhacdadaas loo qab-qabtay halka Shan ka mid ah lagu xukumay xabsi-daa’in.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Mahiga ayaa u dhignaa sidan:-

“Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Somaliland/Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga, waxa uu walaac ka muujinayaa isku dhacii dhawaan magaalada Hargeysa iskaga hor yimaaddeen ciidamada Ammaanka Somaliland iyo Muwaddiniin reer Somaliland ah, kaas oo sababay dhimashada dhowr qof oo labada dhinacba ah. Todobada iyo toban ka mid ah eedaysanayaasha loo qabtay dhacdadan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah halka shan ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxaannu ka xunnahay khasaaraha nololeed ee labada dhinac soo gaadhay, waxaannu danaynayaa xukunka dadka shacabka ah ay ku ridday Maxkamadda Millateri, taas oo aannu ku qaaddacsannahay go’aankaas marka loo eego shuruucda gudaha, kuwa dhaqanka iyo kuwa caalamiga ah.

Waxa uu wakiilku ku boorinayaa in si dakhso ah dacwadda loogu wareejiyo Maxkamad dembigooda qaadda. Waxaannu ku dhiirri-gelinaynaa masuuliyiinta dawladda Somaliland inay xaqiiqsanaadaan in si loo helo xuquuqaha dacwad cadaallad ah, in la tixgeliyo furitaanka dacwad cusub. Waxaannu uu ku baaqaynaa in baadhitaan dhammeystiran, cadaalad ah oo madax-bannaan lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan iyo saamaynta ka dhalatay.”

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada noocan ah waxa ay muujinaysaa doorka uu ka ciyaaro hagar-daamooyinka uu wakhti kasta u maleego Somaliland si uu waxyeello u gaadhsiiyo, maadaama uu wakhtigan ku tallaabsaday inuu faro-gelin qaawan ku sameeyo go’aannada Garsoor ee dalka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories