HomeAstaamaha Ninka Wax Jecel - W/Q: Cali Coomay

Astaamaha Ninka Wax Jecel – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Cali Coomay
Cali Coomay

Raggu way ku kala duwan yihiin calaamadaha ay muujiyaan, balse waxa jira qaar ay ka siman yihiin. Kala duwanaanta abuurka ragga ayaa keena kala dookha.

Calaamadaha ugu caansan

  1. Nuglaan: waa calaamad lagu arko ninka, waxay ka turmaysaa inuu culays xoog lihi haysto oo jacayl ah. Wuxuu nugayl u muujinayaa gabadha uu jecel yahay iyo cida ka ag-dhaw
  2. Dulqaad xad-dhaaf ah: wuxuu dulqaad weyn u muujinaa gabadha uu jacylka xad-dhaafka ah u hayo. Marna kama suurtogalayso inuu noqdo bilaa dulqaad, waana marka xaggeeda laga eego. Hadday balanta u jarto, amma ku xanaaqdo kama ficil qaadanayo, waayo meel ayey kaga taal.
  3. Ka sheekayn: waxaad arkaysaa ninka oo ka faalloonaya gabadha uu jecel yahay. Wuxuu si joogto ah uga hadlaa dhaqamada fiican ee gabadha, gaar ahaan, quruxdeeda, hadalkeeda, qosolkeeda, socodkeeda, xaragadeeda, sheekadeeda, farriinteeda IWM. Laakiin marku arrimahan ka hadlayaa waa markuu la joogo saaxibadiisa dhabta ah. Wuxuu soo celcelinayaa hadaladii dhexmaray eeisugu dambeeyey.
  4. Wax-kasta-haye: mar kasta oo ninka ay wax weydiiso gabadhu uu jecel yahay wuxuu ugu jawaabayaa haye, xittaa haddii aanu awoodi karin. Waayo waxa haya culayska uu leeyahay jacaylku. Shayga ay gabadhu ka codsatay haddii aanu awoodi karin wuxuu caawimo weydiisanayaa saaxiibadiisa dhabta ee aanay waxba kala qarsan
  5. Hadal-macaan: waa albaabka ugu horeeya ee laga galo qofka. Ninku wuxuu markaba ku qaabilayaa hadal macaan oo soo dhawayn wata. Wuxuu ku dadaalayaa inuu ku qaabilo jawi fiican iyo hadal qiimo leh, si aanay uga cadhoon. Wuxuu ku bilaabaa hadallo macaan sida, walaalo, macaaney, qaaliyee, qalbigaygiiyee, noloshaydiiyee, wadnahaygiiyee, indhahaygiiyee, jidhkaygiiyee, maskaxdaydiiyee, wajigaygiiyee, IWM.
  6. Hadaaq: waxa ninka ku bata halmaanka, waxaad arkaysaa isagoo ku halmaamaya magacii qofka u jeclaa. Muddo ka dib wuu ka noqonayaa, waxaanu odhanayaa waan ku khaldamay, balse waxa jiitay wixii qalbigiisa ku jiray.
  7. Tilifoon-ku-hadal badan: wuxuu aad ugu dadaalaa inuu xidhiidh dhaw la yeesho gabadha uu jecel yahay. Taasina waxay ku keentaa inuu markasta tilifoon ku hadlo. Haddii ay ku adkaato inuu toos ula xidhiidho jacaylkiisi wuxuu la xidhiidhaa cida ay isku fiican yihiin, isagoo ka ururinaya jacaylkiisii.
  8. Eegmo badan: wuxuu aad u jelaystaa inuu markasta daawado gabadha uu jecel yahay. Kama dhergayo inuu daawado maant oo dhan, waayo waxa uu ooman nafta. Wuxuu aad u doonayaa inuu daawado iyadoo aan soo eegayn. Eegmadani waa idho-ku-doogsi iyo farxad.
  9. Maqnaan xagga maskaxda ah: waa calaamad aad u mihiim ah, waxa ninka lagu arkaa maqnaan xagga maskaxda ah, oo markuu hawl hayo amma aanu hayniin waxa lagu arkaa isagoo maskax ahaan baxay. Waxa ugu weyn ee uu ka fikirayo waa sidii uu ula kulmi lahaa qofkan uu jecel yahay.
  10. Shaki:  wuxuu markaba la soo baxayaa shaki fara badan oo ku aaddan in laga qaadayo jacaylkiisa. Xitaa haddii ay daacad u tahay wuxuu ka shakiyayaa in lagu soo maqan yahay. Haddii uu yart waayo wuxuu u qaadanayaa in nin kale ku maqan tahay. Haddii uu dareemo in nin kale doonayo gabadhan wuxuu u fasiranayaa in dagaal cad lagu so qaaday, oo ay mudan tahay inuu dagaalamo.
  11. Ka-gacan-sarayn: ninku marku joogo goobaha ay saaxiibadii ku kulmaan wuu sheekeeyaa waanu dooddaa, laakiin marku la joogo gabadha uu jecel yahay xaalu wuu is-bedelaa, wuxuu noqdaa nin gabadhu ka gacan sarayso, aad uma doodo waayo waxa haysta jacayl xoogan oo meel ayaa lagaga dhegan yahay.
  12. Xarago badan: wuxuu markasta iska dhisaa dhinaca dhar-xidhashada. Ujeedada ayaa ah inuu soo jiito qofka uu jecel yahay. Wuxuu ka baqayaa inay ku nacdo lebis xumada. Wuxuu ku dedaalaa inuu dhar-qurxoon xidho markuu soo marayo meelaha laga helo qofku jeclaa.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories