HomeAskarigii Dilka u geystay Marxuum Gacma-dheere oo maanta lagu Fulinayo Xukun Qisaas...

Askarigii Dilka u geystay Marxuum Gacma-dheere oo maanta lagu Fulinayo Xukun Qisaas ah oo Maxkamad Ciidan ku Ridday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Gacan-ku-dhiigle Maxamed Cabdillahi Cabdi oo laba todobaad ka hor dil toogasho ah u geystay Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma dheere) bishii hore, ayaa la sheegay in Maanta ilaa Berri lagu fulin doono Xukun Qisaas ah oo Maxkamada Ciidamada Qaranka Somaliland ku xukuntay

Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo qayb ka ahaa wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Caafimaadak Dr Saleebaan Xaglo-toosiye, ayaa Askariga Gacan-ku-dhiiglaha ah oo ku sugnaa goob Kaantrool ah oo ay ka samaysteen Tuulada Qoton-dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex, waxaanu halkaas si badheedh ah xabbad ugu furay gaadhi xuu saarnaa Marxuumku. Haseyeeshee, ilaallo la socotay weftiga wasiirka, ayaa isla markiiba gacanta ku dhigtay Askariga Dilka geystay.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii uu dilkani dhacay waxa uu amray in si deg-deg ah Xukun dil loogu xukumo gacan ku-dhiiglaha qudha ka jaray Marxuumka.

Ilo-wareeyo u dhuun daloola Xukunka Askariga lagu riday iyo Maxkamadda Ciidamada ee xukuntay, ayaa wargeyska Himilo u sheegay in xukunka Qisaasta ah ee Gacan-ku-dhiiglaha la fulin doono maanta ilaa Berri. Balse, ilo-wareedyo ma xaqiijin goobta lagu fulin doono xukunka qisaasta ah iyo amminta  ay tahay midkoodna.

Gudoomiyaha Maxakamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Somaliland Gaashanle Sare  Yuusuf  Faarax Sharmaarke oo hore u shaaciyey xukunka lagu riday Gacan ku-dhiigle Maxamed Cabdilaahi Cabdi, ayaa sheegay in sidoo kale Maxkamaddu xukun xadhig 10-sanno ah ku ridday Askari lagu magacaabo Maxamed Axmed Ismaaciil oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kaas oo la sheegay inuu wehelinayey Askariga kale ee dilka geystay.

Maxamadda ayaa Gacan ku dhiigle Maxamed Cabdillaahi Cabdi, ku heshay dambi ah inuu Marxuum Gacma-dheere kula kacay dil badheedh ah, halka Askariga 10-ka sanno lagu xukumayna lagu helay inuu isagu u yeedhay Askari dilka gaystay markii dambena difaacay.

Waxa uu Guddoomiyaha Maxkamaddu sheegay in sidoo kale laba Askari lagu helay ah inay iyagu Iskood u samaysteen goob Kaantarool oo sharci-darro ah oo ahayd meesha dilku ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Fulinta go’aanka oo noqonaya kii ugu horreeyey noocisa muddo sannado ah, ayaa wadadda u xaadhayaa in la fuliyo xukunno qisaas ah oo gacan-ku-dhiigleyaal tiro badan ugu jiraan xabsiyada dalka oo xaalado kala duwan u xanniban marka laga yimaaddo dhamaytirka jaran-jarooyinka maxkamadaha kala duwan.

@Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories