HomeAskari Yuhuudi ah oo Si Faahfaasan uga sheekeeyey Khasaare ba’an iyo Jab...

Askari Yuhuudi ah oo Si Faahfaasan uga sheekeeyey Khasaare ba’an iyo Jab Ciidamadooda ka soo gaadhay Dagaal Dhexmaray dagaalyahannada Xammaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tel Aviv (SLpost)- Askari Yuhuudi ah oo ka badbaaday iska horimaad culus oo maalintii Axaddii ka dhacay xaafadda Shujaaciyah ee Marinka Gaza, ayaa ka sheekeeyey wixii uu indhihiisa ku arkay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray dagaalyahannada Hamas.

Sida lagu baahiyey Barta Internetka ee Walla oo laga leeyahay Dalkaasi Israel, ayaa waraysi la yeelatay askarigan oo ka tirsan Guutada Golan, taas oo maalintii Axadda Isku dayday inay gudaha u gasho xaafado ka mid ah magaalada Gaza, xilli ay socdeen duqeymo culus oo isugu jira Cirka, Dhulka iyo Badda oo Yuhuuddu ay ku garaaceen magaaladaas.

images“Guutada Golan waxa maalintii Axaddii Qabsaday mid ka mid ah maalmihii ugu adkaa ee taariikhda soo mara, waxaana laga dilay 13 askari, 50 kalena dhaawacyo kala geddisan ayaa la gaadhsiiyey,” ayuu yidhi ASkarigan oo ka gaabsaday inuu magaciisa shaaciyo.

Wuxuu sheegay inay ku adkaatay inay goobta dagaalka ka daad-gureeyaan Meydadka iyo dhaawaca Askartooda, isaga oo xusay qalbi-jab xooggan oo qabsaday askarta markii ay arkeen saaxiibbadood oo dagaalka ku dhintay.

israli“Xaalku aad ayuu noogu adkaa, waxaan aragnay Taliyihii Guutada oo korkiisa oo dhan uu dhiig qariyey, lugtiisa oo ka go’dayna hortiisa taallo, taliyihii hawl-gelinta oo dhintay, ku-xigeenkii taliyaha Ciidanka iyo madaxii Sirdoonka oo dhaawacyo culusi soo gaadheen,” ayuu yidhi Askarigani.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Baabuur ay la socdeen askar ciidankayaga ka tirsan waxa qabsaday qarax weyn, waxaanu markii horeu malaynay gantaal Cornet ah oo lanagu soo ganay. Meesha uu weerarku ka dhacay aad bay cidhiidhi u ahayd, ka dib waxay bilaabeen (Dagaalyahannada Xamaas) inay rasaas ciidda ka badan nagu furaan, ujeedadooduna waxay ahayd inay Askar Afduubtaan ama Meydad Qaataan.”

Askarigani waxa uu intaas ku daray in dagaalyahannada weerarka la beegsaday ay ka soo baxayeen godad ku yaala dhulka hoostiisa, isaga oo tilmaamay in ciidankoodu ku jaah-wareereen xaaladda iyo sida ay wax u socdeen, ka dibna ay qasab ku noqotay in jiho walba ay u furaan rasaas tiro-beeshay oo aan bartilmaamed lahayn.

“Labada saacadood ayuu dagaalku socday, xabbadaha waxaan u furnay si aan kala joogsi lahayn si aan goobta uga fogeyno, laakiin waxaa kedis kugu noqonaya in midkood uu kaaga soo baxo dhulka hoostiisa, rasaas xoogganna uu kugu furayo,” ayuu yidhi.

Askarigan oo sifeynaya mucjisooyin iyo wax uu ku tilmaamay mahadho taariikhdiisa ku sugntan oo uu indhihiisa ku arkay maalintaas, waxa uu yidhi, “Wax walba oo hortayada yaallay waxay ahaayeen dhiig iyo hilbo googo’ay, waxaan kala saari weynay askartii aanu saaxiibbada ahayn, jaho-wareerka ayaa nagu batay, muuqaalkaas oo kale waligay ma arag, Askartuna waxay ahaayeen kuwo qaylinaya oo ooyaya.”

7killedWarbaahinta dalka Israel, ayaa warbixinno kala duwan ka qortay khasaaraha maalintaas ka soo gaadhay ciidamadooda weerarka dhulka ah ee ay isku dayeen inay ku qabsadaan qaybo ka mid ah magaalada Gaza, waxaana marba marka ka dambeeya soo baxayay faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha Yuhuudda ka soo gaadhay weerarkaas oo la rumaysan inuu khasaaruhu intaas ka badan yahay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories