HomeAskari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Toogasho ku dilay Laba Sarkaal

Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Toogasho ku dilay Laba Sarkaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qorulugud (SLpost)- Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Askar, ayaa maanta toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsan Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo saldhiggoodu yahay deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle.

Askarigan oo markii uu dilka geystay baxsaday, ayaa la sheegay inuu tacshiirad ku furay labada sarkaal oo wakhtigaas ku sugnaa Xerada Guutada 17aad ee ciidanka Qaranka oo ku taala duleedka degmada Qorilugud, halkaasna ay markiiba naftu kaga baxday labada Sarkaal oo madax ka ahaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka.

CIIDANKA QARANKALama oga sababta ka dambaysa dilka Askarigani kula kacay Saraakiisha Ciidanka, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka, haseyeeshe labada Marxuum ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Yuusuf iyo Jaamac Bidaar oo labadooduba ahaa saraakiil derejadoodu tahay Kabtan, isla markaana ka tirsanaa Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo fadhiisinkoodu yahay duleedka Qorulugud.

Ninka dilka geystay oo aan ilaa immika gacanta lagu dhigin, waxa baadi-doonkiisa ku raad-jooga ciidamada Milatariga ee Saldhigga uu ka tirsanaa iyo Ciidamo Boolis ah oo ka hawl-gala magaalada Qorurulugud.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories