HomeAskar ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Qarax Miino Lagula Beegsaday Xadka Soomaaliya...

Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya oo Qarax Miino Lagula Beegsaday Xadka Soomaaliya iyo Kenya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Nairobi(SLpost)-Shan askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ayaa ku dhaawacmay maanta qarax miino oo lagula beegsaday gaadhi ay wateen deegaanka Hululuqo oo ku dhow xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in miinada gaadhiga ay wateen ciidamada KDF ay goobta geliyeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Iyadoo xidhiidhiyaha gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Saalax Maxamuud uu isagana xusay in ciidamadii ku dhaawacmay qaraxa loola cararay cisbitaal.

“Gaadhiga ay ciidamadu wateen wuxuu ku istaagay miinada oo dhulka ku aasnayd, waxaana ku dhaawacmay shan ka tirsan ciidamada millateriga Kenya,” ayuu yidhi Saalax Maxamuud oo warbaahinta la hadlayey. Isagoo xusay in ciidamadu roondo ku marayeen halkaas.

Sidoo kale, Afhayeenka ciidamada millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa wuxuu isna u xaqiijiyay warbaahinta qaraxa lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada KDF ee wadanka Kenya oo ilaalo ka hayay xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Somalia.

“Qaraxu wuxuu dhacay isagoo xeradii uu ka baxay u jira 5-km, dhaawacyadii askartaana waxaa lagu daweynayaa cisbitaalka,” ayuu yidhi Col. David Obonyo, balse ma uusan sheegin noocyada dhaawacyada soo gaadhay shanta askari.

Xadka u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidammo ka tirsan booliis iyo millateriga Kenya, kuwaasoo ay dhimasho iyo dhaawacba soo gaadheen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan Xukuumadda Kenya ka dalbaday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaliya.

Ugu dabmeyn, Kenya ayaa waxay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii, xilligaas oo ay sheegtay in ay la dagaallamayso xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen xad-gudubyo xuduud-ka-tallow ah oo ay ka geysatay Kenya gudaheeda.

Qaraxani waxa uu daba socdo hanjabaad ay Al-shabaab ayaa dhowr jeer ugu baaqday Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, si ay uga joojiso Weerarrada ay gudaha dalkooda ka geysanayso, inkastoo madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta uu dhowr jeer oo hore sheegay inay ciidamadooda joogayaan Somalia inta laga xasilinayo.

 

Somalilandpost, Nairobi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories