HomeArrimo layskula qaatay kulan markii labaad ay isku-waajaheen DowladahaSomaliland iyo Denmark FAAHFAAHIN

Arrimo layskula qaatay kulan markii labaad ay isku-waajaheen DowladahaSomaliland iyo Denmark FAAHFAAHIN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefti  ay hoggaaminayso Safiirka Denmark u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo ay wehelinayso Anne Elisabeth oo ah madaxa xafiiska Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee dalka Denmark  u qaabilsan ee Somaliland ee DANIDA.

8B7A9723Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Safiirka ku bogaadiyey boqashada ay ku timid Somaliland, isagoo ku hambalyeeyey doorka muuqda ee Dalka Denmark ka qaato kaalmooyinka sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF), iyo hay’adaha ka hawl-gala Somaliland, iyo xidhiidhka saaxiibtimimo ee ka dhexeeya labada dal.

Waxaanu madaxweynuhu xogwarran ka siiyey qorshayaasha xukuumadda ee shanta sanno ee soo socda iyo xaaladda guud ee abaaraha ka soo cusboonaaday xeebaha iyo gobolada dalka, waxaanu ku dhiirri-geliyey madaxweynuhu sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrinta abaaraha.

8B7A9715Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u bandhigay dedaalka xukuumaddu ugu jirto sidii aanay doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanku dib uga dhici lahayn wakhtigii loo qorsheeyey oo ah horraanta sanadka 2019ka.

 Waxaanu madaxweynuhu dhambaal tacsi ah oo khaasa ugu dhiibay safiirka boqorada dalka Denmark oo u madaxweynuhu ka tacsiyadeeyey geeridii saygeeda ku timid.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka u bandhigay sidii ay isaga kaashan lahaayeen xukuumad ahaan iyo Denmark shaqo abuur ay helaan da’a yarta Somaliland oo u baahan jihayn iyo in loo abuuro shaqooyin, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay safiirada wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan dib u bilowdaan.

Dhinaca weftiga Safiirku waxa ay sheegtay in ay xoojin doonaan ka Denmark ahaan xidhiidhka labada dal ka dhexeeya, isla markaana ay xoogga saari doonaan iskaashiga labada dal iyo horumarinta ganacsiga, waxaanay madaxweynaha ku hambalyeysay hannaankii hufnaa ee ay u dhacay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay November 2017.

Ugu danbayn waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday sidii looga wada shaqayn lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories