HomeArrimaha lagaga wada-Hadlay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay

Arrimaha lagaga wada-Hadlay Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo  Soomaaliya, Ambassador James Swan.

blank

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii ay  qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland iskaga kaashan lahaayeen  ka midho dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee  dalka ka socda iyo arrimo kale.

 

blank

 

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad buuxa.

 

blank

 

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad  uga mahadnaqay sida diirran ee uu  usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

 

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, waxa uu yidhi, “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

 

blank

 

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxda qaranku ka gaadheen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto.

 

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen  kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada  midoobay caawiso.

 

blank

 

Kulanka  madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, mudane cabdiqaadir Cumar Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaar ah ee Somaliland u qaabilsan Haaya’dda caalamigaa iyo qarmada midoobey Dr Maxamed Warsame Ducaale.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories