HomeArrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Wasiirradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Taiwan

Arrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Wasiirradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa caddeeyey in dowladda Dowladda Taiwan tahay saaxiib muhiiim oo ah Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay caalamka isla markaana aanu xidhiidhka labada waddan saamayn doonin cadaadis dibadda kaga yimaddda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Essa Kayd Maxamuud Raagsaale, ayaa Arbacadii shalay hadalkan ka sheegay kulan maqal iyo muuqaal ah oo khadka internetka ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu oo uu wehelinayey ku-xigeenka wasaaradda Alexander Tah-Ray Yu oo ku sugan caasimadda Taipei.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Joseph Wu waxa uu Somaliland ku hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu qabsoontay doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo bishii May ee sannadkan ka qabsoontay dalka, taas oo ku tilmaamay inay tusaale fiican u noqotay dimuqraadiyadda gobolka. Mr Wu waxa uu sidoo kale shegay inay sii wadi-doonaan iskaashiga labada dal mustaqbalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan waxa uu intaas ku daray inay dowlad ahaan sii-wadi doonaan taageerada dhinaca dimuqraadiyadda Somaliland isla markaana ay kala shaqayn doonaan la dagaallanka aafada cudurka Covid-19.

Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan kulanka ka ballan-qaaday in dalkiisu gacan ka geysan doono kor u qaadista iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada tamarta, isgaadhsiinta, beeraha iyo adeegyada caafimaadka.

Dhinaciisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Keyd ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Taiwan taageerada ay u fidisay Somaliland intii lagu gudo-jiray saamaynta Cudurka Covid-19, waxaanu sheegay in Taiwan tahay saaxiib muhiim ah oo Somaliland leedahay maadaama labada waddan isaga mid yihiin dhinacyada horumarinta dimuqraadiyadda, xoriyadda iyo Xuquuqda aadamaha.

blank“Go’aanka Somaliland qaadatay ee ah inay sii waddo xoojinta xidhiidhka labada waddan ma saamayn doono cadaadis kasta oo dibadda kaga yimaadda,” Sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Essa Keyd.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, waxa ay tilmaantay in xidhiidhka labada waddan kor u kacay isla markaana isku dhawaaday tan iyo markii xadhigga laga jaray xafiisyada matalaya labada dal sannadkii hore. Waxa kale oo ay sheegay in Ka sokow mashaariic iskaashi oo is-daba jog ah oo la hirgeliyey, ay haddana labada waddan bishii June ee sannadkan kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhinaca horumarinta caafimaadka ah.

Wasaaraddu waxa ay caddeysay in dowladda Taiwan dhawaan u soo dirayso Somaliland khubaro dhinaca caafimaad ah oo ka qayb-qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories