HomeArrimaha lagaga hadlay Kulan dhexmaray Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Wefti Ka Socda...

Arrimaha lagaga hadlay Kulan dhexmaray Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Wefti Ka Socda Midowga Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga reer Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya.

8B7A1415

Xubnaha weftiga ka socda midowga reer Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyargarowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahina la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo  dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.”

2

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku daray inay weftiga ka socda midowga reer Yufub kala hadleen isbeddelada geeska Afrika ka socda, isla markaana ay u sharraxeen kaalinta ay ka geli karaan, “Qodobka kale ee aannu ka wada-hadalnay, ayaa waxa kamid ah isbeddelka geeska iyo xidhiidhka aannu la leenahay dalalka jaarka sida Jabuuti iyo iyo Itoobiya, mawqifka aannu ka taagannahay iyo inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaadona waannu u sheegnay,” ayuu yidhi guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories