HomeArrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaanno Baarlamaanka Sweden ka...

Arrimaha lagaga hadlay Kulan Dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo Xildhibaanno Baarlamaanka Sweden ka tirsan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku jooga dalka Sweden, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dowladda dalkaas.

Guddoomiye Cirro oo ay weheliyaan xubno ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Waddani, waxa uu xarunta Baarlamaanka ee dalkaas kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden oo ay ka mid yihiin Haweenay xisbiga Conservative-ka ugu jirta baarlamaanka, isla markaana ah guddoomiyaha ururka Baarlamaanka adduunka iyo Xildhibaan Amiir Caydaruus Sheekh Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka.

blankGuddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo kulanka kaddib faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu kala hadlay mudaneyaasha ka tirsan baarlamaanka Sweden, ayaa sheegay inuu kala hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland iyo sidii dowladda Sweden uga gacan-gaysan lahayd si doorashaddu xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, baarlamaanka dalkaasina ugu taageeri lahaa.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu xusay inay kala hadleen xildhibaannada ka qayb-galka doorashada ee haweenka iyo Dadka laga tirada badan yahay.

Dhinaca kale, haweenayda xildhibaannada ah ee guddoomiyuhu la kulmay oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay kulanka ay la qaadatay guddoomiye Cirro iyo weftiga la socda. Waxa ay haweenaydani sheegtay inay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka oo ay xustay inay dowladda iyo shacabka Somaliland ka rejaynayso sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho daah-furan oo xor ah.

Xildhibaan Amiir Caydaruus Sheekh Aadan oo isaguna hadlay, ayaa sheegay inay ka wada-hadleen sidii ay dowladda Sweden iyo baarlamaanka Midowga Yurub taageero uga geysan lahaayeen doorashooyinka Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadallada Masuuliyiinta

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories