HomeArrimaha lagaga hadlay Kalfadhigqa 33aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Arrimaha lagaga hadlay Kalfadhigqa 33aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kal-fadhigii 33aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha.

Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland

Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka  (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.

Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii.

Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan.

Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka  la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories