HomeArooska ka dib: Laba qof oo la soo dardaaray -W/Q: Cali Cabdi...

Arooska ka dib: Laba qof oo la soo dardaaray -W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Cali Coomay
Cali Coomay

 

Markay labada qof ee is guursaday ay aqalgalaan, waxay labada qof la soo baxaan hab-dhaqanka rasmiga ah ee a lahaayeen. Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan labadan qof, ayaa mid kasta loo xambaariyaa dardaaran uu kula dhaqmo xaaskiisa. Gabadhu waxay hore u soo maqashay amma dhagaheeda ka batay halku-dhigii odhan jiray” naagi god ha kaaga jirto amma gunti rageed”. Halka ninkuna uu soo maqali jiray halku-dhigii odhan jiray” naag baa rag is-dhaafisay”. Mid kastaa dhankiisa ayuu aaminsanaa in haddii uu helo uu barwaaqo ceegaagta cagaha la galayo, balse arrintu waxay is bedeshaa marka guriga la isugu tago, oo qof kasta dhaqankiisa la arko. Bal aynu eegno dardaarnada loo xambaariyo labada is-calfaday. Waxa kale oo jira dardaaran dhinaca wanaagsan ah, balse waxa ka badan inta xun.

Dardaaranka gabadha loo soo laqimo

  • Weligii yaanu ka dareemin inaad jeceshahay
  • Ogow oo maamul mushaharkiisa iyo wixii dakhli soo gala
  • Ha isu-jilcin, oo hadalka yaannu kaaga dambayn
  • Reerkaaga yaanu maamulin, adigu ha kuu dabafadhisto wixii go’aan laga gaadhayo
  • Wakhtiga guriga uu imanayo adigu go’aankeeda yeelo
  • Hadaad markasta magaciisa ugu yeedho, doqon ayaad noqon oo waxa la odhan way jeceshahay, markaa waa inaad tidhaa” eeyaahe, xaaji”.
  • Hadday hablo badan walaalo yihiin, gurigaaga waa inay kaaga dambeeyaan, aanay ninkaaga guriga ugu talin.
  • Isha ku hay hooyadii, oo islaamuhu waa fidno socota. Ileyn waa”soo yuucane”. Haddii uu guriga kuugu keeno, la soco way kuu basaasi oo inankeeda ayay kuu sheegi wixii kaa xumaada.
  • Markuu wax ku weydiiyo ugu jawaab” maxay dee, hadal badanaa, maxaad rabtaa, kuma haleelayo, qalo badanaa, yuus badanaa IWM.

Dardaaranka ninka loo laqimo

  • Naagta ha is barin, yaanay kaa gacan-sarayn
  • Hadaad jeclaato, way kugu tuman, ileyn waa naag oo masuuliyad laguma ogee. U muuji ad-adayg.
  • Naagtu jiljilayc yaanay kaa dareemin, ileyn nin adayg ayaa lagu ogaa.  Hadalka ha barin, waayahaaga ha u sheegin, ha la tashan, haddii kale guntaada ayey ogaan.
  • Marna magaceeda ha ugu yeedhin, ku dheh “ naayahe, xaajiyo, dee kumee. Markay caruur kuu dhasho ugu yeedh “ aabo tii idin dhashay, meeday, waar hooyadiin u yeedha”.
  • Hadday xanuunsato, dhakhtar tag ku dhe, ha kaxayn sidii caruurta. Ileyn nin waa lagaga fiican yahay inuu naag dabo socdo.
  • Hadday tilifoon kugula soo hadasho, adoo shaqada jooga, indhaha kaga dhac, oo ku dheh maxaad ila soo hadashay?, markaan guriga joogo i-weydii wixii aad rabto, waayo waxay rabtaa inay ogaato meeshaad joogta, oo ku maamusho.
  • Weligaa yaanay ogaan  musharkaaga, haddii kale way kaa qaadi, oo iyadaa kuu maamuli.

Labadii qof oo soo dhegaystay dardaarankii doonayana inay ku dhaqmaan, ayaa gurigii isugu iminaya, oo xaalkii ayaa cirka isku shareeraya, ileyn waa la isku soo diray, oo markii hore heshiis ayey ahaayeen. Nin ayaa la weydiiyey miyaad jeceshahay naagtaadu inay dhimato, maya ayuu yidhi, sababta ayaa la weydiiyey. Wuxuu yidhi” inaan farxad u dhinto ayaan ka baqayaa”. Waayo wuxuu ku dhaqmay dardaarankii hore loogu soo laqimay.

Ugu dambayntii tallo:

Waxaan kula talin lahaa gabadha iyo ninku inay iska iloobaan dardaaranka xun ee gurigooda burburinaya, oo ay ka qaataan wixii iyaga anfacay, wixii dardaaran la soo siiyay. Bulshadeenu waxay leedahay dhaqan fiican iyo mid xunba. Markaa talooyinka lagu soo xambaariyey ka qaado wixii dan aad moodo amma inta fiican ee gurigiina dhisaysa. Bilowga hore talada ma diidi kartid oo waad isku dhacaysaan reerka aad kala jeedaan, markii ka dhegaysta, ka dib wixii faa’ido leh ka qaata.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories