Home"Argagixisada waynu is-huran-nahay, Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda...

“Argagixisada waynu is-huran-nahay, Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan”- Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Cidda masuulka ka ah ee soo abaabushay dagaalkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha sharci-dejinta, waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ku yimi qorshe ay soo maleegeen kooxaha argagixisada ah oo amni-darro ka waday gobolka in muddo ah.

Madaxweynaha oo Arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Dal kasta khilaaf waa ka dhex-dhici karaa, dagaalka Laascaanoodna waxa uu ku eeg-yahay xayndaabka caalamiga ah ee xuduudaha Jamhuuriydda Somaliland.

Ciidammada ku soo duulay Laascaanood, waxa kow ka ah; Ciidammada Puntland. Madaxweynaha Puntland Fagaare ayuu ka sheegay isaga oo dhaadanaya in ciidankiisii ka dagaalamayo Laascaanood.

Taasi waxay salka ku haysaa qorshe maamulka Puntland ilaa bilowgii dhismihiisa uu ku talo jiray in uu sameeyo xuduud beeleed. Waxa kale oo ku soo kordhay qorshaha Puntland Argagixisada Xag-jirka ah oo muddo-dheer qorshaynayey in ay gabbaad ka helaan Deegaanka Laascaanood.

Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee Deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood. Argagixisadu waxay qorsheeyeen sidii ay iska-horkeeni lahaayeen Dadka Reer Laascaanood iyo Dawladda, iyaga oo fal kasta oo ay fuliyaan u sawiray in Dawladda Somaliland ka dembaysay. Qorshahaas Argixisada ayaa saamayn taban ku yeeshay caadifadda Dhallinyarada Laascaanood.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo jiray dad qurba-joog ah oo hab-qabiil ku taageersanaa Maamul Gobolleedka Puntland oo doonayey in xuduudaha lagu saleeyo hab-beeleed.

Haddaba, waxa is-weydiin leh isticmaarku barigaa wuxuu Soomaalida u qaybiyey 5-meelood, maanta qayb-waliba halkii isticmaarku dhigay ayey fadhidaa.

Waa maxay sababta maamulka Puntland uu ku doonayo in uu qayb ka mid ah Shacabka Somaliland ugu sameeyo xuduud beeleed. Jawaabta su’aashaasi Puntland ayey u taallaa.

Waxa yaab leh in maamulka Puntland is-dhacsiiyey haddii aanu Xamar ka noqon Madaxweyne ama Raysal-wasaare in aanay jiri doonin Dawlad la yidhaahdo Soomaaliya. Sidaa darteedna uu doonayo inuu hanto Madaxtooyada Fiilla Soomaaliya.

Maanta xaaladda Puntland ka jirta iyo xabadda ay dhan walba u ridaysaa waa cadhadii ay ka qaadeen Magacaabistii Raysal-wasaaraha aan ka soo-jeedin Puntland.

Waxaan u sheegaya Maamulka Puntland in ay u-roon tahay in ay Ciidammadooda kala baxaan Deegaanka Laascaanood.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey doorka ciidanka Qaranka ee Ilaalinta nabadgelyada iyo sida ay ugu tudhayaan dadka shacabka ah, waxa kale oo uu yidhi, “Ciidanka Dawladda Somaliland difaac mooyaane marnaba weerar kuma qaadin Magaalada Laascaanood, ilaa maantana nabad ayey ku baaqaysaa Somaliland. Dagaalka ciddii bilowday waxay fulinaysay siyaasaddii Argagixisada ee ahayd in ay abuuraan meel aan nabad ahayn oo ay ku dhex dhuuntaan.

“Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories