HomeArgagixisada la Yidhaahdo Tubaakada – W/Q: Ceelaabe

Argagixisada la Yidhaahdo Tubaakada – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Wuxuu u balan qaadey Dadka doorashada codkiisa siiya in uu u jebin doono Khamriga. Wuxuu balanqaadey in uu warshadaha ku amri doono in ay soo saaraan Khamri tayo leh oo ka fiican midkii hore u jirey.Wuxuu aad ugu nuuxnuuxsadey in dadka danyarta ah ee aan heysanin Lacag badan isla markaasina aadka u caba Khamriga derajada Saddexaad in uu u sameyn doono mid tayo leh qiimihiisuna Macquul yahay.sameynta Khamri tayo leh Ayuu doorasho ku gelayaa,Nin kale wuxuu doorasho ku Galayaa in uu raga isku fasaxi doono Dumarkuna u madax banaan yihiin in ay Dumar kale Guursadaan.Waa Yaab halkiisa yaala.Ma in uu mamnuuco ayey aheyd mise in uu Dhiirigeliyo.
Doorashooyinkeena immisa Sigaar ah iyo Jaad ayaa lagu bixiyaa ama loo diyaariyaa.cunto lama siiyo dadka,Dhar lama siiyo,Raashin lama siiyo mana rabaan.waxa la siiyaa Shidaal baabuur,Jaad iyo Sigaar.Doorasho ma Dhaceyso haddii aan dadka lagu kala soo dhaweysan kharashgareynta lacag lagu bixiyo Jaad iyo sigaar ama mararka qaar wax ka sii dhibaato badan sida in khamri lagu cabo lacag ololaha doorashada loo soo qaatey.
Waa maxey Argagixiso?ninka Sigaar ku soo sameeyey ama Khamri miyaanu argagixiso kuu aheyn oo aanu danahaaga ka soo horjeedin isla markaasina ku cunsiin wax ku dili doona,caafimaadkaaga halis gelinaaya,dhaqaalahaaga iyo horumarkaagana hoos u dhigaaya.Argagixisada keliya ma waxa aynu u heysanaa qofka xabad nool ama qori inagu rida ama isku keen dhex Qarxiya.Wixii ka soo Horjeeda Danaha,dhaqaalah,Nabada,Caafimaadka,Horumarka,xoriyada iyo Kaabayaashada nololeed sida aad u rabto Ayaa argagixiso ah.Kuwa Tubaakada iyo Khamriga inoo soo iib keena waa Argagixiso ay tahay in la iska qabto.
kharashkii iyo Masruufkii caruur yaryar ayaa lagu cunayaa jaad.Caafimaad daro Ayaa dhacdey,Dhaqaalo daro Ayaa baahdey,Dabeecad xumo,Diin la,aan iyo Furiin baahsan Ayaa Tubaakada ama balwadaha sida Jaadka iyo sigaarku u hor kaceen dadka Aduunweynaha.Ninka cadow ku ah caafimaadkaaga ama wakhtigaaga ee kugu Mashquuliyey Jaad waa Argagixiso ay tahay in aad iska qabato.
Dadkeenu Wey fadhiyaan oo banaanada Ayey fadhiyaan iyaga oo Jaad iyo sigaar garabka iskugu wada haya.Dadka Cadaanka ahina waxa ay Habeenkii ku xaroodaan Baararka lagu tunto oo music iyo Khamro iyo dumar ka buuxaan.Qoloba Balwadaheeda Ayey ku mashquulsan tahay Maalin iyo habeen.Wadooyinka cidi ma socoto laakiin gidaar kasta iyo maqaaxi kasta Ayaa buuxa oo camiran,Jaadka iyo sigaarkuna meelkasta ayey yaalaan oo lagu iibinayaa.Cabitaanka Bulshada in kor loo qaado iyo Adeegyada balwadaha sida Sigaarka,Khamriga,Badeecadaha,Xashiiishada,Jaadka iwm Ayey dad badani ka Fekirayaan.Wadamada mamnuucey ee islaamka ah cabida ama tubaakada lama maqlo cid u dhimata ama dad u xanuunsanaya oo ku dhintey, qof kasta oo iska daaya xitaa haddii wadanka ay soo galaana waa la mid kuwaasi sare.
Dad lacag leh isla markaasina Aqoonyahano ah, kuwo aan aqoon laheyn dhinaca kalena Faqiiro ah Ayaa wada cunaya oo iibsada. Tubaakadu waxa ay sababta Aduunyada dhimashada la baajin karo, 5 million dad lagu qiyaaso Ayaa sannad kasta u dhinta.Wadamada horumarey iyo kuwa Dunida saddexaad intaba waa lagaga dhintaa.Haweenka ayaana aad ugu soo biirey dadka u dhinta oo Xitaa somaliland maanta dumar badani ay bilaabeen Balwadihii.Dadkeenu marka ay dhintaan qaarkood lama ogaado waxa diley waxaana suurta gal ah in ay u dhintaan xanuuno dhinca tubaakada ah ama balwadaha kale sida Khamriga.Sannadaha soo socda waxa la qiyaasayaa in ay Tubaakada u dhiman doonaan tiro ku dhow 8 milllion oo qof sannadkiiba.80% Dhimashadaasi waa wadamada dhinaca horumarka iyo dhaqaalaha ku danbeeya.
Waxa aad u cajiib badan in suuqyada lagu iibinaayo Tubaako warshaduhu ay soo saareen oo dadka dileysa ama loo dhiman karo.Waxa ku dilaaya ee suuqa lagu iibiyo bal ka waran.Dadka u dhow ama ay soo gaadho hawada iyo qiiqa sigaarka oo ah kuwa gacanta labaad ku caba Ayaa iyaguna ka mid ah kuwa dhimashada labaad u dhinta tubaakada.Dawlada iyo ururada aan dawliga aheyn ee Caafimaadka ka shaqeeya ee somaliland Ayaa sannad kasta xuso maalinta 31 May oo ah maalinta tubaakada Aduunka.Maxaa lagaga hadley.maxaa lagu soo bandhigey.Yaa iska daayey.sidee looga joojin karaa dadkan Tubaakada ma in la keeno oo la eego kuwa aan iibsan Mise in wadanka laga mamnuuco.Marka madaxdii isku shubeyso ama kuba meydhato,Marka dadkii waaweyna ama magaca lahaa ay iyagu dardarsanayaan Yaa u diidi kara dhalinyarta.Marka aabihii ku mamey yaa ka qabanaaya wiilkiisa.
Dawladu doorkii ay ku laheyd in ay wadanka balwadahan ka qabato miyuu jiraa.Warshadaha aduunka soo saara khamriga iyo tubaakadu waa Argagixiso cadow ku ah kuna soo duuley nolosha dad badan oo u dhiman doona kuna mashquuli doona.Kuwa beeraya geedo ama xashiishad ayaa iyaguna ah argagixiso ka daran kuwa qoriga sita.sigaarka lagu cabo goobaha saxmada iyo buuqa ama dadka badan sida maqaaxiyaha,cusbitaalada,hudheelada,gadiidka dadweynaha,Xafiisyada Ayaa ay tahay in la mamnuuco.Isku soo wada duub oo Ramadaanta Maxaa ku qorshe ah si aad iskaga joojiso Balwadaha ama Tubaakada ku soo daashadey ee aad ku weydey Quruxdaadii,Caafimaadkaagii,Dhaqaalahaagii iyo Cibaadadii ilaahey intaba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories