HomeArdaydii ugu badneyd oo ka qalin-jabisay Jaamacadda Hargeysa iyo madaxweyne Siilaanyo oo...

Ardaydii ugu badneyd oo ka qalin-jabisay Jaamacadda Hargeysa iyo madaxweyne Siilaanyo oo Shahaadooyinka Guddoonsiiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)– Waxa maanta Jaamacadda Hargeysa ka qalin jabiyey ardaydii ugu badnayd abid ee jaamacadda ka baxda kuwaas oo uu shahaadooyinka guddoonsiiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (10)Ardaydan qalin-jabisay oo tiradoodu ahayd 538 oo muddo afar sanno ah waxbarashadooda ku jiray waxay qaateen shahaadada koowaad ee First Degree oo ay ku qalin-jabiyeen kulliyadaha kala duwan ee Sharciga (Law), ICT, Daraasaadka islaamiga ah, Maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, xalinta khalaafaadka, Statics-ka, Caafimaadka, Sayniska iyo kulliyado kale.

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (12)Munaasibad Balaadhan oo loo qabtay qalin jabinta ardayada jaamacada dhamaysatay ayaa waxa kale oo ka qeyb galay, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, Hoggaamiyeyaasha Axsaabta KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin  Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (1)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlay xafladaasi ayaa bogaadiyay ardaydii qalin jabisay waxaanu yidhi “Marka u horaysa waxaan hambalyo aad iyo aad u balaadhan aan u soo jeedinayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacadan Hargeysa iyo macaliimiinta iyo maamulka Jaamacada ee ardaydan wax baray waxaan doonayaa inaan u sheego in anigoo ku hadlaya magacii dawlada Somaliland inaanu ku faanayno qiimayn iyo qadarin aad u weyna aanu siinayno. Waxaan idin leeyahay intiina maanta qalin jabisay Hambalyo.”

Waxa kale oo uu Md. Soolaanyo intaasi ku daray “Jaamacada Hargeysa waa Jaamacada u weyn aad iyo aad u taariikhiya, waa jaamacad qaranka Somaliland iyo dadweynuhu aad ugu faanayaan, waxaan u rajaynaynaa inay guusha iyo heerka ay maanta marayso ay kor uga sii socoto,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxa kale oo uu sheegay inuu hambalyo iyo Bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee jaamacada Hargeysa gacanta ka geystay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee gacanta ka geysatay dhismaha jaamacada waxaan waliba ku sii guubaabinayaa inay halkaasi ka sii wadaan,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (9)Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagu dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu gacan ka geysano wax kasta oo ay jaamacaddaha dalku u baahdaan,waxaan idin leeyahay waxaanu wax idin kala qaban doonaa baahiyo badan oo aad sheegateen.”

Wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay xafladaasi ayaa bogaadisay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa waxaanu tilmaantay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi lee gee ka aflaxday Jaamacada.

“Jaamacada Hargeysa ma aha Jaamacad gobol mana aha jaamacad cidi leedahay ee waa jaamacad qaran,”ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (6)Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (3)Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Jaamacada Pof. Muuse Aadan Axmed, oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca ardayda qalin jabinaysa uu u mahad celinayo marti sharafta uu u horeeyo madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay xafladan. Waxa kale oo uu bogaadiyay waalidiinta iyo marti sharafta kala duwn.

Hadaladii Gudoomiyahana waxa ka mida ahaa  “Ardaydani waa dufcadii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jaamacadaha dalka, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa, waana 538 arday, oo hablo ay yihiin 150 arday oo u dhiganta 27% iyo 388 wiil,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Guddoomiyaha oo la dardaarmayay ardayda qalin jabisay waxa uu yidhi “Idin odhan maayo waad qalin jabiseen ee waxaad dhamayseen afartii sanadood ee hore waxbarashadiinuna waa bilow, bini’aadmiguna illaa maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo waxa uu ku jiraa waxbarasho. Waxa ku jira ardaydan qalin jabinaysa 29 arday oo bartay Cilmiga Tiro koobka (Statics-ka). Waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa in intii uu kari karo ardaydaasi jaamacada ka qalin jabisay uu shaqo u raadiyo. “

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (8)

Waxa kale oo uu Gudoomiye Muuse intaasi ku daray  “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka codsanaynaa jaamacadu waxay muddo ku jirtay maamul ku meel gaadh ah, ILAAHAY ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Muuse Cabdi Cilmi laba jeer oo ku meel gaadh ah ayuu galay, ninkii ku xigayna ku meel gaadh ayuu ahaa laakiin dan gaar ah ayuu u baxay , waxaan Anigu xilkii ula wareegay si ku meel gaadh ah 11 arday oo ka mid ah kuwii sanadkii hore jaamacada ayaanu macalimiin ayaanu ka dhignay markii ay muddo ku shaqaynayeen ku meel gaadh markii jaamacadu koorasyo u dirtay ee aqoontooda kor loo qaaday imika waxay yihiin macalimiin jaamacadeed oo rasmi ah. Waxaanu doonaynaa inaan jaamacadu ay qeyb libaax ka qaadato qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland haddii ay tahay daraasad iyo horumarinba,”ayuu yidhi Muuse Aadan Axmed.

Qalin-jabin Jaamacadda Hargeysa (5)Dhanka Xisbiyada, waxa munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, iyaga oo masuuliyiintani bogaadin u jeediyey ardaydii ka qalin jabisay jaamacada waxaanay waxaanay dhiirrigeliyeen in Fursado shaqo loo abuuro Ardaydan waxbarashada dhammaysatay.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories