HomeArdayda Jaamacadda New Generation ee Hargeysa oo Sannadkii labaad ku Qalin-jebisay Xarunta...

Ardayda Jaamacadda New Generation ee Hargeysa oo Sannadkii labaad ku Qalin-jebisay Xarunta Midowga Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Jaamacadda New Generation oo ka hawlgasha wadamada Somaliland iyo Ethiopia, ayaa ardayda ka qalin-jabisay xaflad wada jir ugu qabatay xarunta midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Ugu yaraan 320 arday oo ay ku jiraan in ka badan 60 arday oo reer Somaliland ah, ayaa ka qyab-galay munaasibadda qalin-jabin ah oo lagu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay halkaas kala qayb-galeen masuuliyiin ka socotay dawladda Somaliland.

2122Munaasibadda qalinjebinta ah ee ka dhacday xarunta Midawga Afrika ee magaalada Addis Ababa oo ay wada jir uga qaybgaleen arday reer Somaliland ah oo wax ku bartay Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha kale ee ay Jaamacadaasi ku leedahay dalka Ethiopia, waxa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socda Somaliland oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda C/Raxmaan Maxamed C/laahi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan.

DSC_0127Xafladani oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha Jaamacadda New Generation, Mr. MATIYUS GIJILI oo iftiimiyey qiimaha iyo tayada waxbarshada jaamacadu bixiso.

Waxa kale oo uu ka hadlay himilada iyo hiigsiga Jaamacada New Generation oo uu sheegay inay tahay soo saarida aqoonyahano iyo siyaasiyiinta iyo madaxda  qaarada Africa mustaqbalka hogaamin lahayd.

DSC_0146Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ahaa ardayda qalinjabisay, ayaa  ku booriyay ardayda kale ee waxbarashada dhammaystay inay halkaa ka sii wadaan dadaalkooga waxbarasho.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna ardayda qalin-jabisay ka mid ahaa, ayaa ka hadlay xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu yahay mid qotodheer oo saaxiibtinimo, iyada oo ay weliba u dheertahay dedaal ay labada hoggaamiye ee labada dal ugu jiraan sidii uu u sii xoogaysan lahaa.

DSC_0460Waxa kale oo munaasibadda qalin jebinta Jaamacadda New Generation ka qaybgalay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabbdiwaaxid Cabdiaxmaan Cabdiqaadir, Agaasimaha guud ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh  iyo afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul, kuwaas oo dhammaantood ka mid ahaa ardayda qalinjabisay, waxaanay dhamaantood ka warrameen sida ay xukuumadda Somaliland dedaal ugu jirto horumarinta waxabarashada dalka. Waxa masuuliyiintu tilmaameen inay xaflada uga qaybgaleen inay ka qayb qaatan farxada qalinjabin ardayda reer Somaliland ee ku qalin-jabisay dalka Itoobiya.

DSC_0448Ugu dambayntii, waxa munaasibadda ka hadlay Mulkiilaha qaybta  Somaliland  ee jaamacadda New Generation Cabdicasiis Maxamed Yusuf, isaga oo sheegay inay ka shaqaynayaan  isku soo dhawaanshaha  labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland  ee dhinicyada waxbarshada iyo siyaasada.

Munaasibadda Qalin-jabinta ayaa noqonaysa markii labaad ee Jaamacaddu ku qabato Xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa, iyada oo sidan oo kale sannadkii horena munaasibadda Qaalinjabinta ah ugu qabatay magaalada xarunta looga taliyo Midowga Afrika.

Jaamacadda New Generation ayaa ah Jaamacadda keli ah ee bixisa culuunta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, waana Jaamacadda keli ee markii 2-aad arday ka qalin jebisa oo reer Somaliland ah ugu qabatay xaflad xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories