HomeArdayda Jaamacadda Hargeysa oo walaac ka muujiyey Fiigga lacagta laga qaado oo...

Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo walaac ka muujiyey Fiigga lacagta laga qaado oo lagu Kordhiyey, Maamul-xumi iyo Tayada Waxbarasho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 03 April 2012 (SLpost)-Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey lacag lagu kordhiyey fiigga jaamacadda, maamul-xumo iyo tayo waxbarasho oo liidata. Ardaydan oo ay matalaayeen horjoogayaasha fasalada kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda oo maanta go’aannada cabashadooda gaadhsiiyey saddex waaxood oo kala ah Madaxtooyada, Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Gudaha, ayaa sidoo kalena shir-jaraa’id ku qabtay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxaanay halkaas ka muujiyeen cabashadoodan oo ay hawsheeda ku jireen muddo dheer, isla markaana isla qaateen ardayda jaamacaddu in horjoogayaashoodu u matalaan hawsha.

Ardaydan ka turjumaysay jaamacadda, kuna hadlaysay afka ardayda, ayaa sheegay inay la kulmeen maamulka guud ee jaamacadda, balse ay kala kulmeen hadalo hanjabaad u badnaa oo aan munaasib ahayn. Mr. Cabdilqaadir Jaamac Ibraahim oo ka mid ah ardayda ku hadlaysay afka ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayaa daboolka ka qaaday in aan ardaydu awooddi bixinta fiigan lagu kordhiyey “Arrinta ugu muhiimsan ee aannu maanta ka hadlaynaa waa arrin baryahanba suuqa ku jirtay, taas oo ah lacag kordhin fiigga Jaamacadda Hargeysa ah, sidaynu la socono xaalada nololeed ee dalku aad iyo aad bay u liidataa, waxaanannu ummadda, maamulka jaamacadda iyo masuuliyiinta talada haysaba u sheegaynaa inaanay maanta arday Jaamacadda Hargeysi qaadi karayn fiiggaa maamulka jaamacaddu soo jeediyeen inay ardayda ku kordhiyaan, maamulkuna waa in arrintaa ay dib uga fiirsadaan oo ay kala tashadaan ardayda iyo waxgaradka dalka”ayuu yidhi Cabdiqaadir Jaamac

Waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisii “ Maamulka jaamacadda oo aanu arrintaa kala hadalnay oo aannu war ka sugaynay, waxay nagu soo warceliyeen inay qoraan waraaqo amara oo ah in lacagta sida ugu dhakhsaha badan lagu bixiyaa 15 bisha April wixii ka dambeeyana aan diiwaangelin arday samaynayaa jirin. Jaamacadda Hargeysa maamul-xumaa haysa, dhaqaale la’aani ma hayso, tamar xuma jirta, tayo la’aanina way u raacday.”

 Isna waxa halka ka hadlay Cabdiraxmaan Ismaaciil, ayaa tilmaamay in lacag kordhintu ka bilaabantay 11 February ee sannadkan waqtigaas oo ardaydu imtixaan u fadhiday, “Guddida bartan fadhidaa maamulka shirar bay la yeesheen ay kala hadlaayeen waar ardaydii waannu idinka haynaa, annagu waxa kaliya ee aannu doonaynaa inaad adeega ardaynimo noo dhammaystirtaan sida man-haj macallimiin iyo waxbarasho tayo leh, waayo jaamacaddayadu waxay maraysaa eber, macallimiinta intii badnayd Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ayey u wareegeen, markay meesha maamul-xumo ka timi. Saddexda qaybood ee xukuumadda na quseeya hadday tahay Madaxtooyada, Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Daakhiliga, waxaannu gaynay cabashadayada oo ah inaannu adeegaa helno mooyaane inanaan lacag kordhinayn iyo inaannu helno gurmad deg deg ah oo jaamacadda gacan soo geliso dawladda”

“ jaamacadduna maaha wax gaar loo leeyahay ee waa wax dalka iyo dadkaba ka dhaxaysa. Waxa kale oo dawladda aannu oggaysiinaynaa inay gurmadkaa si deg deg ah noogu keento, ardaydii waxay haystaan Arbaca, Khamiis iyo Jimce, Sabtida waxay leeyihiin haddaannu xal wayno annaga haddaannu horjoogayaasha fasalada nahay, gacantu farahayaga way ka baxaysaa, kamana masuul nihin wixii meesha ka dhaca, ardaydana waxaannu hor taagnayn laba bilood oo lix cisho la’aan, intaaba annaga haynay. Xukuumaddu caddaaladay ardaydani u samaysay ayey bartan ku timi, Jaamacaddu way socotay intii ka horraysay xukuumaddan, intii dawladdani joogtayna saddex maamulba iska beddelay Jaamacadda, mid ku meel-gaadha, maamul hore oo maamul xumo ha noqoto amma wax kale ee ka tegay, kii u dambeeyeyna waa kan ay waxay ardaydu xaqa u lahaayeen.”

 Sidoo kale Xusni Maxamed  oo ka mid ah ardaydaas, ayaa isagu caddeeyey inaanay ardaydu u adkaysan karin lacagtaas lagu kordhiyey, awooddina inay bixiyaan, waxaannu madaxweynaha u soo jeediyey in wareegto deg deg ah oo maamulka lagu beddelaayo u soo saaro si maamul-xumada jaamacadda ragaadisay uga baxdo.

Dhammaan ardaydaas ayaa cabashadoodu isugu soo ururaysay maamul-xumo, tayo liidata oo xaga waxbarashada iyo macallimiinta ah iyo fiigga jaamacadda lagu kordhiyey oo aanay awooddi Karin.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories