HomeArdayda Barata Cilmiga Deegaanka ee Jaamacada Hargeysa Oo Soo Bandhigay Hindise Qashinka...

Ardayda Barata Cilmiga Deegaanka ee Jaamacada Hargeysa Oo Soo Bandhigay Hindise Qashinka Lagaga Faa’ideysan Karo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ardayda barata cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa, ayaa  xalay  soo bandhigay hindise lagaga faa’ideysa karo qashinka.

Munaasibad loo qabtay shaacinta Hindisahan ay soo diyaariyeen ardayda barata Deegaanka, ayaa waxa lagaga hadlayey sida ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo looguna samayn lahaa goobo gaar ah oo qashinka la dhigo, si looga badbaado nadaafad daro horseeda caafimaad daro soo waajahda deegaanka iyo dadkaba.

Deegaanka 2Ardayda Kuliyada Sayniska, gaar ahaan qaybta deegaanka ayaa Munaasibada ku soo bandhigay hindise lagu yareyn karo qashinka dhibaatada badan ku haya deegaanka, waxayna aqoonyahankii Munaasibad joogay u soo bandhigeen fiidiyow timaamaya warshad yar oo qashinka sida bacaha iyo caagadaha u bedalaysa ashyaa muhiim ah sida dharka oo kale, waxayna ku taliyeen oo ay muhiim ku tilmaameen in la isku hawlo sidii dalka loo keeni lahaa warshadaasi, si bacaha iyo caagadaha deegaanka Somaliland meel walba yaala loogaga faa’ideysto.

Munaasibada ay ardaydu ku soo bandhigeen hindisahan oo hore dad badan ugu taliyeen, ayaa waxa ugu horeyn si kooban uga hadlay Maxamed Cabdalle Xuseen oo ka mid ah ardayda hindisahan keenay, waxaanu sheegay in hawshani bilow u tahay hami ay ku doonayaan in wixii ay barteen ay ugu bedalaan waxqabad muuqda.

Deegaanka 1Axmed Ibraahim Cawaale oo ka mdi ah aqoonyahanka dhanka deegaanka oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa mid mid u soo bandhigay dhibaatooyinka qashinku ku hayo deegaanka Somaliland, waxaanu tilmaamay in marka berriga laga taggo in waxyeeladii qashinku gaadhay bada “Maanta deegaankeena waxa dhibaato ku haya bacaha iyo caagadaha, kuwaasi oo xitaa waxyeelaynaya badda”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Safar aan dhawaan ku tagay halka dooxyadu biyaha kaga daraan badda ee Ceel-waaq, waxaan ku arkay waxyaabo aad ka murugoonayso oo ah caagadihii, bicihii iyo waxyaabo kale oo la mid ah, kuwaasi ku darsamaya badda, waxyeelana u geysanaya noolaha badda, waanad dareemi

Prof Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka kuliyada Sayniska, ayaa isaguna ka waramay taariikhda uu soo maray barashada cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa, isagoo sheegay inaanu shan sanadood ka hor jirin qaybtani, balse ay mudada kooban ee ay jirtay ardayda dhigataa ay sameeyeen horumar, waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin sidii jaamacada loogu rakibi lahaa qalabka saadaasha hawada, isaga oo Maayarka iyo masuuliyiinta kale ka codsaday in wax lagala qabto.

MaayarkaMaayarka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, oo isna halkaasi kalmado koob-kooban ka yidhi, ayaa tilmaamay inay qorshayaashooda ka mid tahay sidii Hargeysa looga dhigi lahaa Caasimad qashinka ka caagan, gacantana ku hayaan mashruuc arintaasi la xidhiidha.

Wasiirka Wasaarada deegaanka Somaliland Maxamed Siciid Gacamay oo halkaasi gabogabadii ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisa ardayda, isaga oo tilmaamay in munaasibadani tahay tii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb-gallo, tahayna arinta ay qaranku ugu xil-saaran yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories