HomeArdayad Wax ka barata Dugsiga AbaarsoTech oo Deeq Waxbarasho ka Heshay Jaamacad...

Ardayad Wax ka barata Dugsiga AbaarsoTech oo Deeq Waxbarasho ka Heshay Jaamacad Maraykan ah iyo Wasiirka Waxbarashada oo Bogaadisay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Nimco Axmed Ismaaciil oo ah gabadh da’ yar oo dhigata fasalka afraad ee dugsiga Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Abaarso, ayaa dhawaan ay soo gaadhay warqadda aqbalaadda oo ah deeq waxbarasho oo ay ka heshay Jaamacadda uu magaceedu yahay OberlinCollege ee k u taalla Oberlin, Ohio.

Warqaddan aqbalaadda ah ee ka timid Jaamacaddan ayaa waxa lagu sheegay in ay masuuliyiinta Jaamacaddu soo dhaweeyeen, indheer-garadnimada shaqsi ahaaneed, aragtida bulsho ee dhinacyada kala duwan taabanaysa, iyo shaqsiyadda Nimco, taasi oo ka dhigatay ardayaddan mid aan indhaha la dhayalsan karin in la ogsoonaado inay tahay mid u qalanta abaal-marinta noocan oo kale ah ee ay xaqqa u leeyihiin ardayda kale ee wadaniyiinta ah.

Waxa la ogsoon yahay in Badanaaba Aradayda rabta inay wax ka barato Jaamacadda Oberlin, Lacagta Waxbarashada, Kirada Guriga, Cuntada, iyo kharashaadkaba ku baxa caafimaadka sanadkii ay dhan tahay $60,000(Lixdan kun oo Doolar).

Isu gaynta kharashka afartaa sano ee waxbarashada Jaamacadeeduna ay dhan tahay $240,000 (Laba Boqol Iyo Afartan Kun Oo Doolar). Waxa ay Nimco Nasiib u heshay in lacagtan oo dhan loogu deeqay.

Sida ku cad qiimayntii u dambaysay ee warbaahinta cariga Maraykanka iyo tan caalamiga ahiba ay ku sameeyeen tayada Waxbarasho ee Jaamacaddaha Adduunka, Jaamacadda Oberlin waxa ay ka gashay kaalinta 2-aad, ee Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan dalka Maraykanka.

Samsam Cabdi AadanJaamacaddan Oberlin waxa dhidibada loo taagay sanadkii 1833, waxana taariikhdeeda ku xusan iyada oo ah Jaamacaddii ugu horaysay ee carriga Maraykanka ee jabisay xayndaabkii midab kala sooca, isla markaana suura galisay in ay meel wax ku wada dhigtaan arday Madow iyo Cadaan ahiba Iyo meeshii ugu horraysay ee Arday kala jinsi ahi (Wiilal iyo habloba) meel kaliya wax loogu wada dhigo.

Jonathan Starr, Maamulaha Dugsiga Abaarso waxa uu ku tilmaamay arrintan guul balaadhan oo u soo hoyatay Nimco , Qoyskeeda , Dugsiga Abaarso iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland.

“Haddii aanu meesha jirin dadaalka ay samaysay Nimco, oo taageero ka heshay macalimiinta tayada leh ee dugsiga Abaarso, abaal-marintan qaaliga ah ma suura gasheen, balse manta Nimco, way u qalantaa abaalmarintan, dhamaanteenna waa noo sharaf inaan ku faano guusha ay gaadhay,” Ayuu Yidhi Maamule Jonathan Starr

Ugu dambayntii, Dugsiga Abaarso, waxa uu dhamaan ardayda dhigata dugsiga u rajaynayaa in ay ku guulaystaan abaal-marino kale oo caalami ah oo la mid ah midda ay maanta ku guulaysatay Nimco.

“Sanadihii 2011 illaa 2012-kii waxaanu deeq waxbarasho ugu dirnay hal arday oo waxbarasho ka helay Kulliyadda Worcester ee dalka Maraykanka.

Sanadkii Tagay ee 2012-kiina, waxaanu deeq waxbarasho oo maraykanka ah u helay 6 arday dugsiyadda Boodhinka ah ee Worcester, TaftSchool, Ethel Walker, Wilbraham, Monson iyo Northfield Mount Hermon.

Waxa kale oo aanu deeq waxbarasho hal arday uga helay KulliyaddaAfricanLeadershipAcademy ee ku yaala wadanka Koonfurta Afrika.

Gabo-gabadii waxaanu dhamaan deeqo waxbarasho u helay adduun dhan 500,000 dollar oo ay ka mid tahay $240.000 ee ay Nimco wax ku baran doonto mudada afarta sanadood ah ee ay ku jirto Jaamacadda,iyadoo sanadkiiba wax ku baranaysa lacag dhan $60.000.”

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maamulka Dugsiga AbaarsoTech iyo Ardaydiisa ku bogaadisay Guusha ay gaadheen.

Waraaq ay Wasiirku ku socodsiiyey Maamulka Dugsiga isla markaana xambaarsan bogaadin wasiirka ayaa u dhigneyd sidan:

Ku:Maamulaha Guud

Dusgiga Barashada Sayniska Iyo Tiknolojiyad da ee Abaarso

Abaarso, Somaliland

TIXRAACII DEEQDA SCHOLARSHIPIYAASHII

Ujeedo: Mahadnaq Deeq Waxbarasho

Wassaaradda Waxbarashadu waxay warqaddan kaga mahad celinaysaa, isla markaana si toos ah ugu xusaysaa Warkaa wanaagsan ee ku socda Ms. Nimco Ismaaciil, kaasi oo hoosta ka xariiqaya in loo ogolaaday deeq waxbarasho oo dhamaystiran, taasi oo ay ka heshay Jaamacadda Oberlin College, ee dalka Maraykanka.

Tani ayaa waxa ay tahay mid muujinaysa in dugsiga Abaarso ee Barashada Sayniska Iyo Tiknolojiyada uu yahay mid diyaar u ah inuu waxbarasho tayo leh u fidiyo ardayda da’yarta ah reer Somaliland ee wax ka barata, sidaasi darteed, waxaan ka marag-kacaynaa in waxbarashada dugsiga Abaaro ay tahay mid u dhiganta waxbarashada caalamiga ah ee ay bixiyaan dugsiyada la midka ah ee Aduunka.

Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Jaamacadda Oberlin ee deeqdan waxbarasho bixisay iyo sidoo kale Dugsiga Abaarso-Tech ee fursadan ku guulaytay.

Sidoo kale waxaan soo dhawaynaynaa in fursado kale oo deeqo waxbarasho ah oo dhamaystiran la siiyo ardayda guud ahaan Somaliland, gaar ahaana inanta mustaqbalka soo socda.”

Samsam Abdi Adan

Wassiirka Wassaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories