HomeArday uu ka mid yahay Masuul Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ka...

Arday uu ka mid yahay Masuul Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Kampala

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Kampala (SLpost)- Arday reer Somaliland ah oo uu ku jiro Agaasime guud oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka qalin-jebiyey Jaamacadda Kampala University ee dalka Uganda, oo ay sannadihii u dambeeyey ka baranayeen culuun kala duwan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa ka mid ahaa Ardayda maanta ka qalin-jeibisay Jaamacadda Kampala ee waddanka Uganda oo ay waxbarasho kala duwan ku qaateen Arday badan oo u dhashay dalka Somaliland oo qayb ka ahaa Arday Kumannaan ah oo maanta Jaamacaddaasi u qabatay Xafladdda qalin-jebinta.

Qalin-jebinta Jaamacadda Kambala2Agaasime Maxamed Ilka-case oo Warbaahinta kula hadlay goobta Xafladda qalin-jebinta ee maanta Uganda loogu sameeyey, ayaa sheegay inay isaga iyo Ardayda kale ee reer Somaliland eek a tirsan Ardayda tirada badan ee Jaamacaddaas ka qalin-jebisay ay aad ugu faraxsan yihiin, isaga oo xusay inaanay waxbarashadu dhammaanin, isla markaana dadka reer Somaliland guud ahaan yar iyo wayn ugu baaqay inaan laga daalin waxbarashada ee lagu dedaalo.

“Dareenkaygu kolay waa mid farxadeed, Waxbarashaduna ma dhammaato, waxaanan hanbalyeynayaa Ardayda reer Somaliland ee iyaguna halkan ku qalin-jebiyey maanta Dhalinyarada iyo wayeelkaba waxaan leeyahay waxbarashada lagama daalo.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case).

Maxamed Ilka-case, waxa uu sawiray inuu yahay Aabbo reer Odaygiis ah, isla markaana uu yahay Masuul Qaran, isla markaana uu tusaale u yahay inaanay waxbarashadu mudnayn in laga daalo, waxaanu yidhi; “Waxaan ahay Aabbe, waxaan sidoo kale ahay Masuul markastana ma dhammaato Tacliintu ee waxaan leeyahay dadka reer Somaliland meelkasta oo aynu joogno aynu dedaalno oo yaynaan waxbarashada ka daalin.”

Ardayda reer Somaliland ee Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda wax ka bartay waxaa ka mid ah Abwaan Sidiiq Maxamuud Gahayr, oo isaga iyo Agaasimaha guud-ba dhammaysteen Shahaadada Masters of International Relations and Diplomacy iyo Arday kale oo Wiilal iyo Gabdhaba isugu jira oo reer Somaliland iyo Soomaaliba ah, kuwaasoo bartay culuunta kala duwan ee ay Jaamacaddaasi bixiso oo Caafimaadku ka mid yahay.

Waxay Ardayda kala duwan ee Jaamacaddaas ka qalin-jebiyey, gaar ahaan kuwa reer Somaliland iyo waliba Ardayda Soomaalida ah ee ka tegay gobollada Bariga, Koonfurta iyo Badhtamaha waddanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin waxbarashada ay Jaamacaddaas ku qaateen, iyaga oo intaa ku daray inay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban doonaan aqoonta ay halkaas muddada sannadaha ah ku soo baranayeen.

Agaasimaha Kalluumaysiga Somaliland iyo xubno kale oo Ardayda ka tirsan ayaan iyagu dalkaas joogin inta badan muddadii waxbarashadu u socotay, hase-yeeshee, waxay kaga qayb-qaadan jireen ama wax ku baran jireen qaab online ah, halka ay inta badan Ardayda qalin-jebisay sannadihii waxbarashadooda ku sugnaayeen Jaamacaddaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories