HomeArday reer Somaliland ah oo Loo Doortay Madaxwayne Ku-Xigeenka Urur ay Ku...

Arday reer Somaliland ah oo Loo Doortay Madaxwayne Ku-Xigeenka Urur ay Ku Midoobeen Ardayda Caafimaadka Dalalka Bariga Africa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ishaka/Uganda (SLpost) Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta reer Somaliland ee wax ka barta jaamacada Kampala International University (KIU) ee dalka Uganda ayaa maanta Shir Shan maalmood ka Socday Magaalada Ishaka ee dalkaasi Loogu Doortay inuu u Noqdo Madaxwayne Ku Xigeen Urur ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa oo magaciisa la yidhaahdo Federation of East African Medical Student Association (FEAMSA).

Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay dhakhaatiir waa wayn oo ka kala socday jaamacadaha dalalka la isku yidhaahdo bariga Africa ee ay ka mid ka yihiin Uganda, Kenya, Tanzania, Kongo, Brundi, Ruwanda iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo intii shirku socdayna halkaasi lagusoo bandhigay khudbado dhaadheer oo ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada caafimaad ee wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa.

blankDhakhaatiirta iyo macalimiinta waa wayn ee ka socday jaamacadaha shanta dal ayaa halkaasi kusoo bandhigay cilmi baadhisyadii ugu danbeeyay ee laga sameeyay aduunka iyo wadamada ka hooseeya saxaaraha Africa, iyadoo intii shirku socday halkaasi lagu bartay aqoon faro badan oo iskugu jirtay dhinacyo faro badan oo ay ka mid ahaayeen siyaabaha kala duduwan ee loo sameeyo cilmi baadhista la xidhiidha caafimaadka iyo arimaha bulshada.

Shirkan caalamiga ah ayaa intii uu socday waxaa kale oo cilmi baadhisyo ku saabsan dhamaan dhinacyada kala duduwan ee kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kor loogu qaadi lahaa kusoo bandhigay dhakhaatiir ka kala socday dalalka Europe iyo Asia oo ay ugu danbayntiina aad ula dhaceen dhamaan kasoo qaybgalayaashii

Gebogabadii shirkaasi ayaa waxaa lagu doortay maamulkii hogaamin lahaa Labada sanadood ee soo socda halkaasi oo madaxwaynaha ururkaasi loogu doortay Dr. WARID oo ka socotay dhakhaatiirta dalka Kenya, Halka Maxamed Boobe oo ka mid ah dhakhaatiirta wax ka barta jaamacada KIU qaybteeda caafimaadka ee waqooyiga dalkaasina loogu doortay inuu noqdo madaxwayne ku xigeenka hogaamin doona ururkaasi ay ku midoobeen dhakhaatiirta dalalka Bariga Africa.

blankDr. Mohamed Boobe ayaa maruu la hadlayay kazoo qaybgalayaashii shirka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ururkan waxa uu u tagan yahay sidii la iskugu xidhi laha ardayda cafimadkaga ee bariga africa iyo sidii kor loogu qadi laha tayada cafimadka wadamada africa da bari. Wadamada subsaharn africa iyo asia marka la isku daro waxay matalan 85% hoyoyinka u dhinta uurka ama umusha- 85% of maternal mortality occurs in subsaharan africa and asia. Tirada dumarka cafimad xumo u dhimata sanadkii ee subsaharn africa waa 250, 000 oo hooyo. maha walal lambarka ad ku qortay kas ka bedel . 250000 pregnancy related maternal deaths in subsaharn africa per year. Ururka federation of east african medical student associations waxa uu honorory membership siiyay somaliland . imikana waxa samayntiisi lagu jira somaliland national medical student associations oo uu caawinayo ama advisor u yahay Mohamed Bobe. Mohamed bobe waxa kale oo uu aad ugu dedaalay in xubinttan ay somaliland ka hesho ururkan. waxaanay ururka FAEMSA soo dhaweeyeen xubin ka noqoshada somaliland.”
Shirka ayaa waxaa kale oo ka qayb galay toban arday oo reer Somaliland ah oo lagasoo casuumay jaamacadaasi KIU xarunteeda magaalada Kampala ee culuumta arimaha bulshada iyo Shan Arday oo lagasoo Casuumay qaybta caafimaadka ee galbeedka dalkaasi oo dhamaantood dareen farxad leh ka muujiyay sida qiimaha badan ee loogu doortay xilka jagada madaxwayne ku xigeenka ururka ay ku midoobeen dhakhaatiirta bariga Africa ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo qoro (FEAMSA).

Shirkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay iskugu yimaadaan dhakhaatiir ka kala socota dalalka bariga Africa iyadoo taariikhda bariga Afrikana  ka dhigaysa markii ugu horaysay ee dhakhaatiir reer Somaliland ahi ay ka mid noqdaan urur goboleed laga aqoonsan yahay Bariga Africa. Jagada loo doortay Dr. Mohamed Boobe ayaa ka dhigaysa mid sumcad dheeraad ah usoo kordhinaysa dalka Somaliland isla markaana  fursad u siinaysa inay dhakhaatiir Bariga Afrika ka socdaa Somaliland ka fikiraan sidii kor loogu qaadi lahaa heerka caafimaad ee ay taagan tahay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories