HomeAragtidii M. Siyad Barre iyo Doorashada Barlamanka Somaliland ee Muqdisho!

Aragtidii M. Siyad Barre iyo Doorashada Barlamanka Somaliland ee Muqdisho!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Adam Muse Jibril

Dib u Raac Dawyadii shalay, maxaa daal la Korodhsaday. Saaka taariikhdu 29/9/2021, waxaan Idaacada BBCda ka dhegeystey doorashada Barlamaanka Somaliland oo Muqdisho lagu qabanayo, iyo khudbad uu jeedinaayo Prof. Cabdi Ismaciil Samatar oo uu leeyahay “ii hiiliya aan idiin hiiliyee”. Markaas baan xasuustay Xisbi magaciisu aha Hiil-qaran, oo Cabdi iyo Axmed Samater iyo rag kale sameeyeen, kaas oo markii dambe iska baaba’ay. Khudbadda Prof. Cabdi waxaan ka gartay in uu yahay nin baadi ka luntay oo raba in uu soo dhacsado, laakiin ay ka maqan tahay halka iyo cidda ay baadidaasi ku maqan tahay.

blankBaadida ka maqan dadka Somaliland waa xuquuqaha oo ay ugu wayn tahay tan siyaasadu, meesha ay ku maqantahay na waa Muqdisho. Waxaan kaloo xasuustay hadal la yidhi waxuu dhex maray Cabdilqaasim Salaad Hassan iyo Meles Zenawi; Cabdilqasim ayaa ku yidhi madaxdii shirka IGAD fadhiday: “Waxaan dacwad u qabaa Meles Zenawi, oo ah ninka dalkayga kala goynaya”. Meles Zenawi waxuu ku yidhi “Mr. Qaasim, bal marka hore Muqdisho midee? markaa aniga iga dacwood”. Haddaba, Xuquuqda dadka Somaliland soo dhacsadeen 1991 ma kula tahay in si sahal ah loo dhiibi doono mar dambe? Jawaabtu waa maya.

Midnimo caddaalad ku dhisan cidda waddaa ma kula tahay inay tahay kuwa wada in Barlamaanka Somaliland Muqdisho laga soo doorto, Jawaabtu waa maya. Kuwa aaminsan hab-Dhaqankii iyo fekerkii 1960kii ee dedafeeyey Xuquuda Somaliland oon midnimo iyo qaranimo Somaliyeed midnaba dan ka lahayn ee ayagu iska wada qaatay dhammaan dheeftii dawladii Somaliyeed, ma kula tahay inay maanta u danaynayan midnimo iyo qaranimo Somaliyeed, jawaabtu waa maya. Kuwii leh hab-dhaqankii Hargeysa iyo Burco burburiyey, ma kula tahay inay maanta Somalinimo iyo midnimo doonayaan, Jawaabtu waa mayaa. Kuwa leh hab-dhaqanka cunaqabataynta saaran shacabka Somaliland, ma kula tahay inay khayr u soo sidaan Somaliland, jawaabtu waa maya. Kuwa leh hab-dhaqankii burburiyey midnimadii ummadda Somaliyeed haddana weli sii kala fogeynayaa, ma kula tahay inay wadaan midnimo caddaalad ku dhisan, Jawaabtu waa maya.

Haddaba Noloshu waa koritaan iyo dhicitaan, dawladnimaduna waa sidaas oo kale, Qabiil iyo Qaran waa laba heer oo kala duwan, waana wax koritaanka bulshada la xidhiidha. Dawladnimadii 1960kii waxay ahayd mid dibedda laga keenay oo Gumaysigu samaystay. Dadka Somaliyeed waxaa ka dhexeeyey af-Somaaliga, diinta iyo dhaqanka, wax maamul ah oo ka dhexeeyey ma jirin. Markii ciidamadu qabsadeen maamulkii dawladnimo 1969kii waxay dooneen in ay kor ka dhisaan dawlad Somaliyeed, taasoo noqotay mid keligi talis ah, waxaana laga dhaxlay oo maanta meesha dhibtu ka jirtaa ay tahay Sidee dib loogu dhisi karaa dawlad Somaliyeed: Ma dagaal iyo xoog, iyo in kor laga soo dhiso, mise in hoos iyo wada hadal iyo wax la isla oggol yahay (consensus based Solution arrangements) mise dawlado shisheeye, lacag shisheeye iyo ciidamo shisheeye . Jawaabtu waxay tahay; maanta sida keliya ee Dawlad Somaliyeed loogu dhisi karaa waa qaabka Somaliland u dhistay dawladnimada oo ah:

1) Dibuheshiisiin lagu bilaabay shirar dhaqan-siyaasadeed oo hoos laga soo dhisay, iyo dhaqaalaha oo ka yimaada dalka gudihiisa.

2) Abuurid qaab dawladnimo loo dhan yahay oo laga bilaabay hub ka dhisgis maleeshiyaadkii iyo dhisid ciidan qaran. Maanta waxa isdiiddani waa argtiyo ee maaha dad keliya oo isqabtay, waa aragtidii Somali-wayn ee Siyaad Barre iyo aragtida Somali Dimoqoraadi ah oo la yidhaahdo Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories