HomeAragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh...

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (3aad) – Boobe Y. Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cigaal“Waxa aanu jecel nahay in ereygiinna uu yidhaahdo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya ‘Ra’iisal-wasaare’ ka ahaan jiray.”

Intii aanan u jawaabin ayaan warqaddii eegay, waxaana ku qornaa: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ex-Prime Minister. Liyonaardo Kapuungu waxa aan ugu jawaabay:

 “Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in uu halkan ka hadlo waxba kama qabno, bal se ereyga SNM ee shirkan ku wajahan annaga ayaa jeedin doonna goorteeda”.

Goobta lagu shirayay waxa ay ahayd ‘Hall’-ka shirarka ee ECA-da ee ku yaalla Addis- Ababa. Qol bilicsan oo aad looga shaqeeyay ayuu ahaa. Waxa uu ahaa wareeg ama gool badhkii oo kala sarreeya, goob-joogayaasha oo hay’adaha diblomaasiyadeed ee Addis-Ababa jooga ahaa wareegga ugu sarreeya ayay fadhiyeen. Wareegyada hoose waxa fadhiyay ergooyinka Ururrada Soomaaliyeed oo mid walba warqad magaca Ururka muujinaysaa hor taallay. SNM ahaan waxa aanu fadhinay wareeggaa hoose dacalkiisa bidix, waxaana naga yar shisheeyay oo meel naga yar sarreysa kuraasidan la qaado loo dhigay wefdigii Guurtida Somaliland oo Cigaal ku jiray.

Shirku waxa uu ku furmay ereyo ay meesha ka soo jeediyeen ergooyinkii ajnabiga ahaa. Waxa ku xigay ergooyinkii Ururradii Soomaaliya. Waxa xusuus gaar mudan ereygii uu jeediyay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo markaa ku hadlayay magaca SSDF. Waxa uu kaga duwanaa ergooyinkii kale isaga oo hadalkiisii ku daray soo dhaweyn uu u soo jeediyay SNM, isaga oo yidhi:

 “Waxa aanu shirkan ku soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM.”

Shirkii ayaa cabbaar la yar xidhay oo shaah ayaa loo dareeray. Intayadii Somaliland ka socotay ayaa dhowr miis oo isu dhow fadhiisannay. Cigaal aad ayuu u xanaaqsan yahay oo waxa uu ku celcelinayaa:

 “Aniga ayaa u jawaabaya Maxamed Abshir, anigaa u jawaabaya, nimaan aniga ahyni u jawaabi maayo.”

Annagii waa aanu yaabban nahay oo wax turxaan ah kuma aanu arkayn hadalkii Maxamed Abshir ee ahaa waanu soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM. Cigaal waa xanaaqsan yahay. Cabbaar ayaanu isku daynay in aanu dejinno. Waa aanu kari weynay. Mar danbe ayaanu ku nidhi:

 “Adeer, SNM annaga ayaa u joogna e’ iska daa waxba ha isku lurin e’”.

Tiisii ayuu ku adkaystay oo ahayd in uu isagu jawaabi doono, annaguna waa aanu iska daynay.

Qolkii shirka ayaa lagu soo noqday. Liyonaardo Kapuungu ayaa isaga oo faraxsan u kacay dhankii ay Guurtida Somaliland fadhiday. Markiiba wixii weriyayaal joogay ayaa iyaguna dhankaa u ruqaansaday. Laambado aan tiro lahayn ayaa la soo riixay oo la shiday. Makrifoonnadaa ka darnaa. Miiskii shir-guddoonka ayaa lagaga dhawaaqay in uu hadal jeedin doono Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo Ra’iisal-wasaare Soomaaliya hore uga ahaan jiray. Sacab iyo sawaxan ayaa lala oogsaday. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Markii hore af-ingiriisi ayuu cabbaar ku hadlayay, markii danbena af-Soomaali ayuu u rogtay. Aniga oo aan hadalkiisii oo dhan halkan ku soo wada qaadayn, waxa aan jeclahay in aan soo garoocdo.

Maxamed Abshir ayuu ku bilaabay, isaga oo hadalkiisa ballaysin uga dhigay weedh deggenayd oo xurmo iyo maamuusba lahayd. Waxa uu yidhi:

“Walaalkay, Maxamed Abshir oo ahaa saaxiibkaygii xabsigu (af-carabi ayuu ku yidhi: ‘Sadiiqii fi sijn’) waa aad og tahay wixii uu Maxamed Siyaad Barre ina soo mariyay.”

Cabbaar ayuu xabsigii dheeraa ka yar sheekeeyay. Waxa uu raaciyay:

 “Maxamed Abshiroow, SNM waxa aad u soo qaadday sidii wax ay ka maqnayd saaxadda dagaalka. Waxa aan kuu sheegayaa in aanaan ka maqnayn, Ururrada Soomaaliyeed ee halkan joogaana giddigood waa walaalahayo oo dibad is-kuma soorno.”

Kuma uu raagine markiiba waa uu ka baxay mowduucaa, shakina kuma jiro in uu ogaa wax aanaan ogeyn oo intayadii kale sidaa uma aanu dhadhansan hadalkaa Maxamed Abshir.

Khudbaddii Cigaal maalintaa ka jeediyay shirkaa ayaan hadba in idiin ka soo garoocayaaye, bal immikana aan eegno mar uu ka hadlayay maareynta xiisaddii Soomaaliya ka taagnayd. Waxa uu yidhi:

 “Diinta Kiristanka marka aynu soo qaadanno, haddii uu dhinto wadaadka (Pope) ugu sarreeyaa waxa meel kiniisad ah lagu xereeyaa nimanka la yidhaa Kaardinaallada (Cardinals) si ay u shiraan oo ay u soo saaraan ninkii ‘Pope’-ka noqon lahaa. Cuntada iyo biyaha waa laga jaraa ilaa ay qof doortaan. Marka ay doortaan ayay dab shidaan si qiiqu meel sare uga baxo oo inta dibadda ku sugaysaa u aragto. Marka qiiqaa la arko ayaa biyaha iyo cuntada loola cararaa oo la gartaa in ay go’aan gaadheen oo wax doorteen. Anigu waan garanayaa raggii aan xerayn lahaa ee aan soomin lahaa.”

Soomaalidu waa ta ku maahmaahda: “Tol nin u taliyay iyo nin tuugay ayaa yaqaan.”

Cigaal isaga oo hadalkiisii wata ayuu isaga oo meel dhexe maraya soo geliyay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah:

“Haddaad xilo dooni Xamaro ag joog, haddaad xoolo dooni Xamaro ag joog, haddaad xarrago doonina Xamaro ag joog”.

Maalintaa Qolkii shirka lagu qabtay waxa si laxaad leh oo aan la qiyaasi karin u joogay dad faro badan oo dumar u badnaa oo Soomaaliya laga keenay oo lagu meydhaamayay Ururrada Siyaasadeed. Dhaqan ahaan urur walba waxa rasmi ahaan shirarkaa uga qayb geli jiray shan xubnood. Annaga marka nalaga reebo Ururrada Soomaaliya ka socday waxa ay ahaayeen ilaa 16 urur oo u kala qaybsanaa laba kooxood: afar urur oo ku bahoobay SNA oo Caydiid u madax ahaa iyo 14ka kale oo is-bahaysi Cali-mahdi u madax ahaa ka tirsanaa. Maahmaahdaa Cigaal markii ay maqleen ayay oogsadeen oo bilaabeen:

“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiinna taag daran, taageera weligiin”.

Garo’ oo ereygii Xamaro ayay u qaateen Xamar oo waxa ay moodayeen in uu Cigaal leeyahay mar walba Xamar ag jooga. Cigaal ayaa hadalkiisii sii watay, waxa aanu yidhi isaga oo dareen-habowgaa ka jawaabaya:

(La soco……………………)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories