HomeAragtidayda Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladda:

Aragtidayda Ololaha Cidhibtirka Qabyaaladda:

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

 

Dharaarahan goloyaasha bulshadu isku aragto waxa ka aloosan olole la sheegay in lagu cidhibtirayo qabyaaladda. Shaacinta barnaamijkani wax ay ka dambaysay ka markii wasiir ku xigeen dhallinyaro ahi shaqadiisii uga tegay u hiilinta qaranka. Kadib markuu ku qanci waayay qaabka wax u socdaan. Go’aan adag ayuu iila muuqday sababo badan daraadeed. Waa mide marka la eego Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu ahaa wasiir da’yar mustaqbal wacanna leh, intii uu siyaasadda ku jirayna aad looga mahad sheegtay hufnaanta shaqadiisa. Midda kale Cabdikariim waxa uu is casilay waqti xil loo wada oommanaa oo maalin walba aynu maqalno qayladhaanta beelaha kasoo yeedhaysa. Wuxu qaatay khatar hore loogu hungoobay wax ka qabashadeeda oo ay dawlado waaweynina u taagwaayeen. Arrinkaasi dhinac waxa uu uga muuqdaa geesnimo weyn oo wanaagga lagu tijaabinayao.

Dhinaca kale ololahani wuxu ku beegmayaa Seben inkaaran iyo surunsuur oodan oo aan sinaba looga bixi karayn. Wuxu kusoo beegmay xilli ay qabyaaladdu la mid noqotay quutal daruuriga maalinllaha ee noloosheenna. Xilli nidaamkeenna dawladnimo ku dhisanyhay qabyaalad. Xilli xaafadaha loo kala deggenyahay qabyaalad. Xilli xataa biyhii la cabbayay lagu iibsado qabyaalad. Mushkiladda sidaa u weyn ee dhuuxa iyo lafta inaga gashay in si laabllakac ah loo abbaaraa waxay sababi kartaa hungo iyo fara madhan.

Soomaalilaand markii ay go’aansatay gooni isutaagga wixii heshiiyay ee dawladda ku dhawaaqay beelo ayay ahaayeen. Waxa kale oo jira heshiis guud o qabyaaladeed oo ka dhexeeya beelaha wada dega Soomaalilaand, oo haddii beeli madaxweyne noqoto in beel kale ku xigeenka qaadato. Si la mid ah golaha xukuumada, wakiillada, guurtida iyo garsoorku waxay ku dhisan yihiin hab beeleed. Waxaa kale oo jirta qabyaalad kaba yaan daran midda aan is qabyaaladayno oo ah mida faquuqa iyoo yasida ku dhisa ee beelaha la hayb sooco. Qabyaalada aan is qabyaaladayno ee ku kala qaloonnaa la mid maaha mida halista ah ee aynu ku haynno walaalheenna gabooye.
Bahasha sidaa u baahday in la yidhaahdo waa la cidhibtirayaa waxa ay iila muuqataa nin yidhi irbad ayaan maroodi ku qalayaa. Kelmadda ‘cidhibtir’ waxaan u aqaan tirtirka wax laga takhallusayo. Kelmadda laftigeedu kuma habboona in loo adeegsado xaqiiqadan horteenna taalla. Waxaaba igala habboonayd ‘Ololaha Wacyigelinta Qabyaaladda’. Markii barnaamijkan la ballaysimayay siyaabo kala duwan ayaa looga dareen celiyay. Dadka qaarba sibay u macneeyeen.

Qaar baa aaminsana in cida waxan waddaa ay ku rabto dallacaad nololeed barnaamijkanna sallaan laga sii dhiganayo, kuwa kale ayaa rumaysnaa barnaamij aan ka tujumayn wadciga dhabta ah ee aynu immika ku jirno , qaar kale ayaa niyad wanaag iyo kal furan kusoo dhaweeyay. Si kastaba ha ahaatee anigu waxaan aamin sanahay barnaamijkani in aanu ka turjumayn xaqiiqda qabyaaladda tolnimada iyo is garabsiga ku dhisan. Loona baahnaa axadh iyo odoros qoto dheer oo biya dhiijiya quluubta shacabka. Cidda keli ah ah arrinkan gacan ka geysan karaana waa hoggaamiye geesi ah oo ku dhiirrada furfurka reeraha sharcigana ka shaqaysiiya. Iyo in la tayeeyo dawladnimadeenna si looga maarmo waxyaalo badan oo immika tolnimo laysugu garabsado.
Ugu danbayn cidda hawshaa isku xilqaantay waxaa an ugu hambalyaynayaa niyad wanaagga iyo damaca wadaniyadeed ee qabyaaladda hoos loogu dhigayo.

Xamse Cabdi Ibraahim

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories