HomeAragtida Madaxweyne Siilaanyo ee muddo-kordhinta - FAAQIDAADDA Boobe Yuusuf Ducaale

Aragtida Madaxweyne Siilaanyo ee muddo-kordhinta – FAAQIDAADDA Boobe Yuusuf Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxba yaynaan araar tiigsan. Waqtigeedba ma joogno. Maalinba ta ay keenaan tii hore ka daran. Wax rasmiya ma haynno laakiin, Hadal-haynta Maalmahan ayaa qudheedu u badan muddo-kordhin aabbaheed goblamay oo hore loo eeday oo loo dagaalay iyada oo la isla dhex marayo in la soo karinayo oo dherigiiba la dhadhaaray. Bal hadda aan ku horreynno Madaxweyne Siilaanyo aragtida uu ka leeyahay ama ka qabo muddo-kordhinta xilkiisa madaxweynennimo.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

30kii bishii Jeeniweri ee sannadkii 2013kii ayuu goor barqo dheer ahayd, ayuu Madaxweyne Siilaanyo hor tegay labada Gole ee Baarlamaanka si’ uu u jeediyo khudabaddiisii sannadlaha ahayd. Waa khudbad sannadle ah oo Dastuuriya oo ku waajib ah Madaxweynayaasha Somaliland. Qodobka 46aad ee Dastuurka Qaranka, Faqraddiisa 4aad ayaa waxay dhigaysaa:

“Khudabadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha Kal-fadhiga u horreeya sannad walba weliba waxayna ka war bixinaysaa siyaasadda, barnaamajyada dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.”

Intaasi waa inta uu Dastuurku ka odhanayo Khudabadda Qaranka ee sannadlaha ah ee ay tahay in Madaxweynuhu ka hor akhriyo fadhiga ama kulanka labada Gole. Sannadkan 2014ka, ma jirto khudbad la akhriyay ilaa immika oo uu Kal-fadhigii ugu horreeyay soo xidhmay. Dan ummadeed lagama fekerayn iyo sidii qodobbada Dastuuriga ah loo fulin lahaa, bal se waxa lagu xiiqsanaa oo ‘Marathon’ aan dhammaanayn oo loo ordayay xiisaddii samayska ahayd ee Golaha Wakiillada. Nimanka aynu khudabadda ka sugaynay waa kuwaa ilaa maanta gurigii Seylici ku shirsan ee tamartooda 10 bog oo wax-qabadkoodii ah qori la’.

Laakiin, waxa taa barbar taalla in Madaxweyne Siilaanyo leeyahay aragti togan (positive) oo uu ka qabo muddo-kordhinta. Run ahaantii immika oo keliya kama qabo bal se ilaa intii uu mucaaradka ahaa si ba’an oo aan kala-go’ lahayn ayuu uga soo hor jeeday muddo-kordhinta. Wuxu u arkayay gabbood-fal lagula kacayo Dastuurka isaga oo aamminsanaa in ay qaran-jab ku tahay shacbiga reer Somaliland. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan, Siilaanyo wuxu u arki jiray in qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad loo adeegsanayay si qaldan oo aan run ahayn.

Si’ aan isu barraxo bal aan soo xiganno Khudabaddii Qaranka ee Madaxweyne Siilaanyo ee sannadkii 2013kii. Wuxu ydihi:

“Sidaad ka war qabtaan, waxaan ahaa hoggaamiye ka soo hor jeesta kordhinta muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka marka la gaadho dhammaadka muddo-xileedkooda, mana jirto wax iska kay beddelay. Waxaan idiin ballan-qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin la iigu daro muddo-xileedkayga Dastuuriga ah.”Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo. Maqal iyo qoraalba waxay ku keydsan tahay odeygeenna buuniga ah ee Googgle-ka, qaybaha ugu dambeeya ee ka hooseeya cinwaanka ‘Kheyraadka Dabiiciga ah’.Intaasi ma ina kala gaadhay.

War dambe oo rasmiya kama aynaan helin Madaxweynaha, ku-tiri-ku-teenta la wadaana Madaxweynaha ma qabato milgihiisana ma aha. Innagu ku odhan meynno muddo ayuu kordhisanayaaye, inta ku xeersan ee aan milgihiisa iyo sharaftiisa dan ka lahayni ha tidhaahdo. Odeyga, waxaan afkiisa ahayn waxba loogu qaadi maayo. Isagana aan ugu ducaynno in Ilaahay tubta toosan waafajiyo, illeyn haddii uu jar ka dhaco qaranka ayay hadimo ku tahay e’.

Aan ugu ducaynno:

“Taladu kaama sal-guurto,

Arrimaa siddahoodana,

Ilaahay kuma seejo,”    

 

Timacadde ayaa mararka qaarkood madaxda ugu ducayn jiray.

Maxaa muddo la kordhiyay, oo haddana la kordhiyay oo misena la kordhiyay, la kordhiyay…kordhiyay oo ay karaar-dhaaftay. Waa la kordhiyaa barnaamaj wax-qabadna looma sameeyo. Haddana waa la kordhiyaa qorshe-hawleed iyo hawl-qaybsina looma sameeyo. Waa ay iska dhammaataa. Haddana waa la iska kordhiyaa maxaa yeelay kordhinta ayaan wax macno ah inta kordhinaysa ugu fadhiyin. Waa dad noloshooda dabo-ka-werwer ka qaba. Dadkii iyo adduunyadiina waa ay inagu baratay, waanay yaabban tahay.

Muddo-kordhin Gole Deegaan. Muddo-kordhin Gole Guurti. Muddo-kordhin Golaha Wakiillada ah. Muddo-kordhin Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ah. Ma dhammaato. Kama daalaan. Kama xishoodaan. Kama khatoobaan. Gole keliya kordhintiisa haddii la soo qaado, waa tusbax furan. Markaas ayay Guurtiduna tidhaahdaa: “Annaguna waa in aanu sannad idin ka dambaynaa.”

Madaxweyne Siilaanyo ma tubtaas ayuu qaadi doonaa, mise magaciisa iyo maamuuskiisa wuu ilaashan doonaa. La arki doonee, maalmaha inagu soo fool leh. Odeyga se wax san ayaynu ka filaynaa, haddaan talo-xumaalaha ku xeersani la amban.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories