HomeARADNAANTA ADEEGYADA CAAFIMAD EE GOBOLADA DALKA

ARADNAANTA ADEEGYADA CAAFIMAD EE GOBOLADA DALKA

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Sida la ogyahay Caafimadku wuxuu ka mid yahay baahiyaha aasaasiga kuwooda ugu muhiimsan, dawlad/maamul kastana wuxu ku faana siduu wax uga qabatay iyo heerka uu gaadhsiiyey, isagoo u wakiishay wasaarada caafimadka,(Ministry of Health).

Intaynaan akhristee udaadegin ujedadayda aynu isweydiino waa maxay adeeg caafimaad? adeeg caafimad waa adeeg maalinle ah,goor kasta iyo goob kastana muwaadinku u baahan yahay.Si hadaba shaqada balaadhan ee wasaaradu u hayso muwaadinkeeda ay u noqoto

mid midho dhala, wasaaradu waxay uqaybsan tahay waaxo kala gedisan oo midiba shaqo gaara ay u xilsaaran tahay.Taasi waxay sahlaysaa in masuul kasta fahmo/garto shaqadiisa, waajibadkiisa iyo sidoo kale in si dhib yar loo ogaan karo waaxdee u baahan in la xoojiyo adeegyadeeda shaqo?. wasaarad kastana waxay leedahay maamul sare oo hogaamiya (Wasiir), isaga masuul uga ah dawlada ama maamulka marka jira, waxna laga waydiiya arimaha caafimadka dalka.

Sida si la mida wasiirku waa hogaanka kowaad ee shaqaale weynaha caafimadka, wuxuuna tusaale ugu yahay hogaaminta wanaagsan iyo higsiga suuro galnimada adeegyo caafimad oo muwaadin kasta ku diirsado. wasiirku waa shakhsiga looga baahan yahay inuu soo xusho shaqaale waaxeedkiisa.mIsagoo ku xulanaaya aqoontiisa, khibradiisa iyo kartidu uleeyahay waaxdu agaasimayo, si aanay u lumin xidhiidhka wada shaqayneed ee wasaarada gudaheeda iyo adeega ay dadweynaha u haysaba.

Akhristee hadaba waxaa suaal isweydiin mudan ah haddii wasaarad caafimad oo diyaar u ah inay bulshadeeda u qabato adeeg caafimad oo dhamaystiran ay tahay ta leh astaamaha. Halkeebay wasaaradeena caafimadku dalka ugu jirta mase tahay mid haysa shaqadii looga baahna wasaarad caafimad?Xaqiiqda jawaabtu waa maya maya, waxaana marag u ah aradnaanta uu dalku ka aradan yahay adeegyada caafimadka. Waxay lumaysay oo gabi ahaanba dhinac martay nooca iyo qaabka ay u soo xulato shaqalaha waaxaha, halka laga rabay inay shaqalaha ku qaadato aqoonta uu u leeyahay waaxdu maamulayo, waxay ku xulataa qabyaalad, qof jeclaysi iyo eex.

Waxaasoo is biirsaday waxay keentay in ay gabi ahaanba istaagto shaqadii wasaarada caafimadka ee dalku, ama ay noqoto meel aan qaadi Karin masuuliyadii loo wakiishay, isla markana dalku galo aradnaan caafimad oo baahsan.Lixda waaxood ee ay ka kooban tahay wasaarada caafimadku ayaa ah lixda lugood ee ay ku dhaqaaqdo, kana dhigi kara inay si habsamiya guulaha mustaqbalka u gaadhi karto, waa haddii masuuliyiinta waaxa jooga yihiin qaar aqoon u leh shaqadoodee, waa meelo u baahan ka shaqaysiin aan u baahnayn ku shaqaysi, sidaas oo ay tahay nasiib darada jirta ayaa waxay tahay wasaaradeena qaybo badan oo ka mida shaqaala waaxeedku ma fahamsana shaqadooda.

Ka shaqaynta iyo hogaaminta laamaha caafimadku waxay u baahan yihiin shaqaale caafimad oo leh hogaamin caafimad uma baahna mid xeelad kale ku jooga, waana tan maanta wasaarada ka dhigtay fadhiidka, hawlihii adeegyada caafimadkuna noqdaan qaar la ilaabay.

Sidoo kale muwaadin waxa iyaduna wax lala yaabo ah saacadihii yara ee umada loo shaqayn lahaa, waxay ku lumaan shirar aan macno ku fadhin, isla markana aan midho dhal ahayn, waxanan odhan karaa waxa sabab u ah aqoon la’aanta iyo maamul xumada ka wasaarada ka jirta.Dalku wuxu u baahan yahay in la helo adeegyo caafimad oo gobol, degmo iyo tuula kasta gaadha.Hadaba hadaan farta ku fiiqo waaxaha ay wasaaradeenu ka aradan tahay anigoon qoraal ku soo koobi Karin dhaliilaha is huwan iyo shaqadoo qofkeedii weyda dhibtay leeyahay waxa tusaale kugu filan waaxda daryeelka caafimadka guud,(public health department).

Waxaa aad u kala fog muhiimada ay u leedahay wasaarada iyo guud ahaan caafimadka dalkaba iyo aqoon la’aanta baahsan ee haysata hogaankeeda. waa meelaha u baahna in qofka maamulkeeda qabanayaa uu yahay qof aqoontiisu dhisan tahay, waxana maanta muwaadin kasta aanu daah ka saarnayn in shakhsiyada ku magacaabani uu yahay mid aan u qalmin, aqoon ahaan. waxaas oo ayaan darra ahi waxay ina dhaxalsiiyeen in shaqadii iyo adeegyadii caafimadkuba noqdaan gabaabsi, dalka oo dhan gobol ila tuulana adeegyadii dayacmaan. guntii iyo gabo gabadii waxan ku tallin lahaa.

1. .In wasaarada caafimadku noqoto meel loogu adeego caafimadka bulshada Somaliland.

2. In shaqalaha waaxaha wasaarada dib u eegis lagu sameeyo aqoontooda iyo kartidooda hawl gudashaba.

3. In wasaaradu siyaasad cad ay ka yeelato siduu adeega caafimadku u gaadhi laha bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tulayaasha dalka.

4. In shaqalaha caafimadka lagu qaato maxaad taqaan ee aan lagu qaadan yaad tahay.

5. In wasaarada ay muhiimad u kala yeeshan adeegyada la bixinaayo iyo meelaha laga bixinaayo, taana waxaa keeni kara shaqaale aqoonteeda leh oo garanaaya halkee, goorte iyo goobte

QORE: ABDIAZIZ DAHIR SAED ( HEALTH OFFICER, MPH)

Email: cige132@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories