HomeAqoonyahan uu Madaxweynaha Jabuuti Digreeto kaga Qaaday Muwaadinimadiisa oo si Qasab ah...

Aqoonyahan uu Madaxweynaha Jabuuti Digreeto kaga Qaaday Muwaadinimadiisa oo si Qasab ah loogu soo Mastaafuriyey Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jabuuti (SLpost)- Xukuumada Jabuuti ayaa la sheegay inay si  sharci-daro ah ugu soo mustaafurisay Somaliland aqoonyahan haysta dhalasho dalkaas, ka hor intaan amar ka soo baxay Madaxweynaha Jabuuti looga Xayuubin Xuquuqdii Muwaadinimo ee uu dalkaas ku lahaa

MohamedDaherRobleh_1Maxamed Daahir Rooble, ayaa 15kii bishan ciidamada booliiska Jabuuti soo gaadhsiiyeen magaalada ku taal xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacada, ka dib markii khasab lagaga soo mustaafuriyey dalka, sida lagu sheegay warbixin shalay uu soo saaray urur u dooda xuquuqda Bani’aadamka oo lagu magacaabo Alkarama, kaas oo fadhigiisu yahay dalka Switzerland.

Musaafurinta ninkan ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay ka dambaysay Xeer madaxweynaha Jabuuti ku soo saaray 2-da bishii September 2013-kii in laga qaado dhalashadiisa dalka Jabuuti, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka hor-yimi danaha iyo siyaasadda dalka Jabuuti, isla markaana uu caadeystayna lidigeeda, sida ku cad warqad Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku saxeexan yahay oo ku saabsan ka-qaadista muwaadinimadiisii, taas oo soo baxday 2-da bishii September, 2013.

documentMaxamed Daahir ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay bishii July sannadkii hore ka dib markii lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay Xisbiyada mucaaradka ee dalka Jabuuti, haseyeeshee waxa uu Maxamed u sheegay Al-Karama inaanu xubin ka ahayn xisbiyada mucaaradka, balse uu taageero.

Ururrada Xuquuqal Insaanka Jabuuti, ayaa ugu baaqay u-doodayaasha Xuquuqda fekerka Qofka ee Caalamka iyo Qaramada Midoobay inay soo dhex-galaan kiiska Maxamed Daahir iyo sidii loogu ogolaan lahaa ku soo laabshada dalkiisa iyo inuu dib ula midoobo qoyskiisa oo deggen dalka Jabuuti.

Maxamed Daahir, ayaa la sheegay inuu deegaan ahaan ka soo jeedo degmada Saylac ee gobolka Salal, isla markaana qoyskiisa iyo qaraabadoodu deggen deggen tahay dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, masuuliyiinta laanta Socdaalka ee Somaliland oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhay si aanu wax ugaweydiinno warka ku saabsan mastaafurinta ninkan, ayaan noo suurto-galin, balse waxa jiritaankiisa noo xaqiijiyey isla markaana aanu la xidhiidhney dhowr qof oo ku sugan magaalada Lawya-caddo ee xuduudka dalka Jabuuti, kuwaas oo noo sheegay inay ciidamada booliska ee dalka Jabuuti ay Sabtidii todobaadkii hore si khasab ah ku keeneen magaalo-xuduudeedda Lawya-caddo, haseyeeshee dadka aanu la xidhiidhnay noomay xaqiijin in lagu wareejiyey Ciidamada Laanta Socdaalka ee magaaladaas iyo in kale.

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories