HomeAqoonyahan Miisaan weyn ku leh Saaxadda Siyaasadda Mandaqadda Geeska Afrika oo Berri...

Aqoonyahan Miisaan weyn ku leh Saaxadda Siyaasadda Mandaqadda Geeska Afrika oo Berri Si maamuus leh loogu soo Dhawaynayo Somaliland iyo Doorka Xukuumaddu ku leedahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Prof-SamatarHargeysa (SLpost)- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Somaliland, muddo badanna wax ka dhigi jiray jaamacadaha Maraykanka, ayaa  la filayaa inuu Berri ka soo dego Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Prof Samatar oo ka mid ah shakhsiyaadka u hanqal-taaga mabda’a Somaliweyn, haseyeeshee saluug ka muujiyey nidaamka saami-qaybsiga Dawladda Soomaaliya, ka dib markii uu u tartamaya jagada madaxtinimada Muqdisho, ayaa maalmihii u dambeeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama si weyn looga dareemayey dhaq-dhaqaaqyo loogu ololeynayo soo-dhawayntiisa, waxaana jidadka magaalooyinkaas lagu dhejiyey boodhadh waaweyn oo lagu xardhay sawirkiisa iyo hal-kudhegyo ay ka mid yihiin ‘Ku soo dhawaw dalkaagii Hooyo’, iyada oo xukuumadda Somaliland-na guddi heer wasiir ah u magacowday soo dhaweyntiisa.

Soo-dhaweynta Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa si wada-jir ah isaga kaashaday Guddi aqoonyahanno ah oo Dalka ku sugan iyo guddida Xukuumaddu u magacowday Qaabilaaddiisa, sida uu sheegay wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda oo u warramay warbaahinta dawladda.

Geeljire waxa uu sheegay in xukuumaddu casuumad u fidisay Prof Samatar, isla markaan aay soo-dhawayntiisa u qorsheeyeen inay noqoto Mid Hab-maamuuskeedu aad u sarreeyo.

“Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu ka soo degayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxaanay xukuumada ugu talogashay inay ku soo dhawayso baratagool iyo hab maamuus sare, maadaama oo ay xukuumadu casuuntay,” ayuu yidhi Wasiir Geeljire, waxaanu sheegay inay jiraan guddi aqoonyahanno ah oo isku xil-saartay soo-dhawaynta Aqoonyahan Samatar.

Wasiir Geeljire oo xubin ka ah guddida Xukuumadda ee qaabilsan soo-dhawaynta Prof Samatar, wax faahfaahin ah kamuu bixin ujeeddada Socdaalka uu wakhtigan dalka ku imanayo, haseyeeshee Axmed Ismaaciil oo dhowaan warbaahinta u warramay, waxa uu sheegay inuu booqasho ku tagayo Somaliland isla markaana uu socdaal ku mari doono gobollada dalka, kulamana la yeelan doono bulshada ku nool deegaamo ka mid ah dalka.

Isbeddel ku yimi mabada’a uu Siyaasigan hore u aaminsanaa oo salka ku haya waayo-aragnimo uu ka soo kasbaday farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, ka dib markii uu guul-darro kala kulmay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii hore lagu dhisay dawladda Muqdisho, haseyeeshee uu markii dambe ka mid noqday xildhibaannada Baarlamanka Dalkaas oo uu markii dambe shaaciyey inuu iska casilay xubnimadiisa markii uu muddo dhowr bilood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Prof-SamatarProf Samatar oo muddadii ka dambaysay is-casiladdiisa xubinimada Baarlamanka Somaliya uu dhowr jeer ka hadlay sababta ku kalliftay inuu ka laabto mabda’iisii Somaliweyn iyo sababta uu wakhtigan xoogga u saarayo inuu Dadkiisa iyo Dalka uu ka

soo jeedo ee Somaliland taageero u muujiyo, haddana waxa uu 20-kii sanno ee Somaliland jirtay aaminsanaa feker lid ku ah qaranimada Somaliland, isaga oo ku doodi jiray inay dib u dhismi doonto midnimadii Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaadda saluugga uu ka muujiyey nidaamka saami-qaybsiga Soomaaliya iyo taageerada uu wakhtigan u muujiyey Somlaliland iyo horumarkeeda, haddana lama xaqiijin karo inuu ka tanaasulay mabda’a Somaliweyn, lamina saadaalin karo kaalinta uu ka qaadan karo masraxa siyaasadeed ee Somaliland, in kasta oo isbeddelka mabda’iisu guul u yahay Somaliland iyo midnimadeeda maadaama uu yahay ruug-caddaa siyaasi ah oo si weyn looga yaqaano dhulka Soomalidu degto iyo qaybo badan ka mid ah bulshada Caalamka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories