HomeAqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle oo qab-qablayaasha shirkii Taleex ku eedeeyay...

Aqoonyahan ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle oo qab-qablayaasha shirkii Taleex ku eedeeyay inay soo Qaateen Mashruuc Somaliland kala dhantaalaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 January, 2012 (SLpost)- Aqoonyahan Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah qurba-joogta jiritaanka iyo wada-jirka Somaliland u ololeeya, ayaa sheegay in kooxdii shirka ku qabtay Taleex ay yihiin kuwo duulimaad ku ah shacbiga reer Sool iyo Buuhoodle iyo inaanay koox yari damaanad-qaadi karayn masuuliyadda beesha Dhulbahante.

blankAqoonyahan Cabdinaasir Garaad Abshir oo intii u dhaxaysay sannadihii 1985 ilaa 1988-kii ka shaqaynayay Safaaradii Soomaalidu ku lahayd dalkii la odhan jiray Jarmalka Galbeed, isla markaana haatan ah Injineer Kombuyuutarrada ah, waxa kale oo uu bartay International Relations, kaasoo uu ku dardar-gelinayay khibraddiisii Diblomaasiyadeed. Hase yeeshee, waxa uu haatan ku nool yahay dalka Ingiriiska, waxaanu ka hawlgalaa garoonka diyaaradaha London ee Hitrow Airport.

Mr. Cabdinaasir oo ka hadlayay ilaa xad waxa immika looga baahan yahay degaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Sool, Buuhoodle iyo Sanaag-bari-ba waxa uu yidhi, “Aniga waxay ila tahay in waqtigan la gaadhay xilligii dadka ku nool mandaqadan Somaliland ay gacmaha is-qabsan lahaayeen. Dadku dagaal wuu ka daalay, Qabiil-ku-dhaqan wuu ka daalay, dalkanina waa mid qani ah, khayraadka dhex-yaalaana inaga badan.”

Isaga oo dib u eegaya nidaamka markii ugu horaysay lagu bilaabay shirkii dhawaan ka dhacay Taleex, waxa uu intaa ku daray, “Shirka Khaatumo I hadaan wax yar idiinka taabto, markiisii hore waxa uu ku bilaabmay hab aan waafaqsanayn habkii Beeli u qabsan lahayd shir-beelaad. Ragga la baxay G6 ee iyagu is-magacaabay dad ay talefoono u dir-direen iyo kuwo iyagu iskood u tegay baa isugu yimi. Markiiba waxa qolal isu xidhay oo si qarsoodi ahayd u faqay dadkii ay lixdaa nin ee G6 u yeedheen. Dabadeedna mudo yar ka dib waxa iskaga baxay Aqoonyahan fara badan, kuwaasoo waxba ka fahmi waayay sidii wax loo waday.”

“Shirkii dambe ee Khaatumo II anigu maan joogin, balse waxa la sheegay in meeshaa cadaalad-darro wayni ka dhacday, waayo, waxa la dhegeystay waraysigii Xagla-toosiye ee BBC-da. Beelahii Dhulbahante ee ka kala yimi degaanka SSC iyo cuqaasha, Garaadada, waxgaradkii beesha dhamaantood waxa shirka ka fara-maroorsaday Raggaas lixda ahaa. Markaa waxa meeshaa ka dhacday marin-habaabis iyo mijo-xaabin aan hore uga dhicin baashan. Sidaa daraadeed, waxa meeshaa xilal aan jirin dusha loogu saaray lixdaa nin iyo kuwo kale oo ay ku magacaabeen G15 oo nin kastaa qaraabadii keenay.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar uu ka hadlayay nimanka fikir ahaan shirkan ku maxaafsanayay oo uu ka mid yahay Cali Khaliif Galaydh, waxa uu yidhi, “Tusaale ahaan raggani ugu yaraan mid kastaaba waxa uu dalka ka maqnaa 40 sannadood, isla markaana raggaas midkoodna intuu dalka ku soo noqdo maalina waxba dadkiisii kumuu soo celin, immikana talaabadani waa mid ay ku doonayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen xilal ay helaan.”

Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax oo fikirkiisa ku cabiraya arrimahaas, isla markaana la dardaarmaya dadweynaha beeshiisa iyo inta ay wax la leeyihiinba waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan ku soo xidhayaa hadalka Beesha Dhulbahante ka wayn 6 nin oo cidna aanay dooranini inay Beesha taladeeda si xukun kelinimo ah kula wareegaan, mana aha wax soconaya, balse beesha taladeeda waxa lagu ogyahay Garaadada. Aniga oo maalaya maahmaahyada saddex-saddexda isu raaca, waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga:

Saddex waa hor-u-socod;

-Wixii tegay ka-hadhidii,

-Waxa jooga ka-hadalkii,

-Waxa soo socda ka-hortagii.

Saddex waa dib-u-socod;

-Is-afgarasho la’aan,

-Dad isku-dirkiis,

-Doc-ka-qaylin.

Saddexna dib bay kuu dhigaan;

-Nin hadloon la maqal,

-Nin hurdoon la kicin,

-Nin hadhoon la sugin.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories