HomeAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen: waa siyaasi haysta taageero buuxda waxbana u noqon-maayo...

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen: waa siyaasi haysta taageero buuxda waxbana u noqon-maayo ka bixitaanka Maayarka Berbera iyo saaxiibkii – W/Q: Sahra Saleban Axmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Musharaxa xisbiga Ucid1Akhristaw,anigoo ka mid ahaa dadkii sida aan xadka lahayn ugu ololeeyey, Musharaxnimadii Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, waxaanay leeyahay waxaad raacday danahaaga gaarka kolayna waxaad tahay abaal-laawe.

Maayarka Magaalada Berbera Cabdi-Shakuur Maxamuud Xasan,(Cabdishakuur Cidin),Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay isaga iyo saaxiibkii,  isla markaana Xukuumaddu Xaflad soo dhaweyn Ah ugu Qabatay magaalada Berbera .

Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidi) iyo xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa ku biiray maanta xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah, kaas oo dhaqdhaqaaqa Munaasibadda lagu soo dhaweynayo laga dareemayey ilaa shalay Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.oo Boodhadh lagu Daabacay Sawirrada 2badaasi xildhibaan.

Ma Cadda sababta ku kaliftay inay ka digo rogtaan 2badan xildhibaan xisbigii iyo tageerayashiisii ay ka soo baxeen ama ay ku soo caano-maleen ,tacabka badan ku bixiyey Doorashadii Golayaasha Deegaanka, balse wuxuu noqonayaa CabdiShakuur Maayarkii ugu horeeyay ee asxaabta mucaaridka ah ka tirsan ee ku biira Xisbiga Kulmiye. Waxaanay Wararku sheegayaan in Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Kulmiye inay ka qayb-galeen Magaalo xeebeeda Berbera, soo dhaweynta Maayarka iyo xildhibaanka kale ee xisbiga Kulmiye ku soo biiray ,kana soo baxay Xisbigaoodii Ucid.

Arrintaasi dhacday waxay Dhabar Jab Ku tahay Xisbiyada Mucaaridka, Gaar Ahaan Xisbiga Ucid Oo Awelba Dhitinaayey, Una Dhitinaayey maamul Siyaasaddeed oo Xisbigaasi Ka Soo Gaadhey Maamul Xumo Iyo Jaah Wareer Siyaasadded Oo Ay Xisbigaas Badeen Hoggaanka Ugu Sareeya Ee Xisbigaasi Hor Booda sida Gudoomiyaha Ucid Feysal Cali Waraabe Iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Cali Gurey oo Barnaamujkoodii Iyo Hadafkoodii Siyaasaddeed Isugu Soo Ururay Oo Keliya Dhaleecayn Iyo Cayda Xaafaddaha Kale, Taas Oo Keentay In Xisbigaasi Laga Tago Oo Uu Meel Cidla Ku Soo Dhaco, Iyada Oo Xisbigaa Ay Xaaladdiisu Marayso, Xabaal Iyo Ninkeedii Loo Kala Teg.

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa rasmi uga sharaxan aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,Murashaxa Madaxwaynaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, kama suurtawdo inuu ku kaco marna tallaabooyin lid ku ah geedi socodka dimuqraadiyadan curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya Geeska Africa, waa masuul aan ku abtirsan oo ka Madhan isagu waxyaalaha caadada u noqday siyaasiyiinta kale S/land sida cayda , aflagaadeynta qaybaha umaddaha kale .

Jamaal Cali Xuseen waxaa uu maanta ka haystaa taageero buuxda siiba dadka aqoonta la saxiibka ah sida dhalinyarta, haweenka iyo dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay , iyagoon hab qabiiliya ku taageerayn, ogsoona in Jamaal yahay ninka kaliya ee hogaan hufan noqon kara ama sameyn-kara , cilmi iyo waayo aragnimana u leh maamul wanaag saldhig u yahay cadaalad, waayo-arag , aminaad, daacadnimo iyo hawlkar.

Jamaal wuxuu ka mid yahay qoraayaasha caalamka isla-markaana waa abwaan waxaana meel kasta ka buuxa buugaagtii uu qoray oo bulshada waxtar u ah sida qaybaha loogu jecelyahay siiba sugaanta iyo madadaalo qaar ku saabsan.

Akhristaw,anigoo ka mid ahaa dadkii sida aan xadka lahayn ugu ololeeyey, Musharaxnimadii Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin , waxaanay leeyahay waxaad raacday danahaaga gaarka kolayna waxaad tahay abaal-laawe , taariikhda ayaanay kuugu jirtaa dhacdaasi aad samaysay ,Waana Naanays aan waligaa ka hadhayn Abaal Laawe Abdishakuur Cidin ka weyni ma Jiro Waxa qaradkiisu ahaa inuu ku kasbado quluubta beesha uu ka soo jeedo iyo shacbiga Somaliland oo labaduba candhuuftooda dib ugu liqay maanta.

Waxaan ku soo geba-gebaynayaa tixdii dhaxal-galka ahayd ee Abwaan Qamman Bulxan “Baadidda nin baa kula day dayi, daalna kaa badine’ oon doonahayn inaad heshona daa’in abidkaaye dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne Dallona ma laha aakhiro, haddii loo kitaab dayo’e”

Si kastaba arrintu ha ahaatee haddii abaal-laawe jiro waa Cabdishakuur Cidin oo salaanka siyaasada iyo hunguriga kursigu madax maray, isagoo aanu jidkeediiba haynin.

By Sahra Saleban Axmed

London- United Kingdom

suuqsade@yahoo.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories